11 kun Oo Arday Oo Maanta U Fadhiistay Imtixaanka Dugsiyada sare Ee Somaliland

Hargeysa(RH)Waxaa Maanta guud ahaan Deegaanada Somaliland Si rasmi ah uga bilaamay imtixaankii shahaadiga ahaa  Ee Fasalada 12aad Ee Dugsiyada Sare ee Somaliland Waxaana Imtixaankaasi  Saaka u Fadhiistey 11,000  oo arday .

Waxaanu ka bilaabmay Imtixaanku Laba boqol oo goobood oo ah gobolada Somaliland oo dhan  isla markaasina waxaa uu Socon-doonaa maanta oo kaliya  waxaana laga qaadayaa Ardayda 10 Maaddo Xanuunka COVID’19 awgii.

Waxaana saaka ku cusbaa goobaha imtixaanka laga Daah-furay, Degmada Taleex ee gobolka Sool waana markii Ugu horaysay  imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee Somaliland ay Ardaydaasi ka qaybgalaan

 

Category