14 sanno ayuu mushar qaadanayey isaga oo aan maalinqudha shaqeynin. Telefoon ayaa kashifey.

RH:Waxay aheyd arin uun sikadis ah u dhacdey  in ay ogaato  xarun ku taala degmo ka tirsan dalka iswiidhan , in qof ku jirey liistada mushaharka ee shaqaalaha mudo 14sanno ah aanu waligiiba kasoo xaadirin goobta shaqada.

 

Bal ka fikir in bilkasta 14 sannadood ay koontadaada kuugu  soo dhaco mushar shaqo  adigoon far qaadin. Waxay u eegtahay sheeko baraley laakiin waa arin run ah oo ka dhacdey degmada Falu ee dalka Sweden oo hoostimaada gobalka Dalarna .

Waxa ay degmadani marqudha si lama filaan ah u ogaatey in qof  mushahar ka qaadanayey 14 sanno ,aan goobtii uu ka shaqeynayey qof qudhi in uu arko daaye aanu xitaa magaciisa maqal.

Telefishinka gobalka ee magaciisa layidhaa SVT Dalarna, ayaa sheekadan layaabkaleh dhawaan ka waramey isaga oo sheegay in arintan lagu ogaadey kadib kolkii  shaqaalaha goobta la damcey in loo qeybiyo telefoono cusub oo kuwa shaqada ah. Warkan  waxa iyaguna baahiey saxaafada kale ee dalka Sweden sida  SVT iyo  Expressen

Shaqaaluhu muu aqoonin ninkan.
Budhcadnimadan casriga ah waxa la ogaadey fasixii xagaaga ee 2018ka kadib kolkii shaqaalaha degmada Falu loo qaybiyey telefoono cusub oo ay ku shaqeeyaan ,balse qofkan tuuga ahi uu soo doonan waayey telefoonkii magacsiisa ku qornaa , markii la isweydiiyeyna la waayey qof qudha oo garta.

Markii arintii lasii baadheyna lagu ogaadey in uu qofkani mushahar qaadaneyey isaga oo aan goobtanba waligii imanin.

Sida uu sheegay SVTqofkani wuu sii wadan lahaa qaadashada mushaharka hadii aan telefoonadaas cusub la qeybinin.

 

Maxaa suurto galliyey khiyaamadan .

Hadaba kolkii baadhitaankii lasii balaadhiyey waxaa lagu ogaadey in ninkan mushaharka khiyaamada ku qaadan aabihii uu madax ka ahaan jirey goobtan bari hore, kaas  barigaas inankiisa/wiilkiisa ku darey liistada mushaharka ee shaqaalaha.

Madaxa baadhayaasha dambigan waxa uu hada ku soo oogay labadan nin in ay degmada Falu ka dhaceen lacagdhan 4,2 milyan oo lacagta Sweden ah.

 

Waxaa soo akhriyey isla markaasina tarjumey

Maxamed-amin Siyaad Cabdi

Category