158 Qof Oo Ku Geeriyooday Diyaaradii Air Ethopia boeng 737 Oo Burburtey

Addis-Ababa(RH)Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Addis-Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia ayaa xaqiijinaya inay goordhaweyd Dhacday Diyaaradii Air Ethopia boeng 737 Ee ka kacdey Goroonka Diyaaradaha ee Magaalada Addis-Ababa ,kuna socotay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya .

 

Wararka soo baxa ayaa sheegaya in ay diyaaradani aheyd mid cusub oo jirtey 4 bilood oo kalliya , waxa kale oo iyana labaaleh diyaarad tan la mid ah oo cusub oo ay leedahay shariikada Indonisia airline ayaa iyana dhacdey  bishii oktoobar ee sannadkii hore. waxaana hada wax la iska waydiinayaa badnaadada diyaaradan.

dg

Waxana sida la sheegay saarnaa 149 Rakaaba 8 Shaqaale ah waxaana Ku Geeriyooday Guud ahaan Dadkii saarnaa Diyaaradaasi.Diyaaradan ayaa ku dhacday Deegaanka Bishoftu ee Koonfurta Dalka Ethiopia  ilaa hada lama oga sababta keentay shilkaasi .

 

iryt

Geesta kale Ra'iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia ayaa Dhambaal Tacsi ah U Direy Eheladii ay ka baxeen Dadkii Ku Geeriyooday Shilkaasi .

 

Wariye Mohamed Jiciir Aw Ahmed

 

Category