Aamusnaanta Kenya ee khilaafka diblomaasiyadeed maxay ka dhigan tahay?

Waxaa saddex cisho laga joogaa markii dowladda federaalka ee Soomaaliya ay ka jawaabtay go'aankii ay qaadatay dowladda Kenya, kaasi oo horseeday in uu xumaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Waxaa haddaba la isweydiinayaa sababta dowladda Kenya ay u aamusan tahay mar haddii jawaabtii ay ka fileysay Soomaaliya ay heshay.

Dadka qaar oo ay BBC-da la hadashay waxay qabaan fikir ah in Kenya ay aad uga baraan dageyso tallaaba walba oo ay qaadeyso, maadaama warqaddii ay u qoreen Soomaaliya laga dheehan karay luuqad adag, halka dadka qaarna ay qabaan fikir ah in Kenya aysan u banaaneyn wax kale oo aan ka ahayn inay ka war sugto go'aanka maxkamadda.

"Kenya halmar ayay soo booday, iyadoo culeys siyaasadeed saartay in safiirkii Soomaaliyeed ay si qasab u tirahdo la tashi wadankaaga u tag, safiirkoodi na u yeerteen, Kenya dhowr jeer waxay isku dayday in wadahadal ku dhameyso arrintan, kadib dowladihii Xassan sheikh culeys ayay saartay, marka aamusnaantu waxay ka dhigan tahay culeys diblomaasiyadeed ee ay Kenya dooneyso inay saarto inta uu joogo madaxweyne Farmaajo in sidaa arrintu ahaato oo ah in la sugo go'aanka maxkamadda".Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Maxamed Nuur Caalin oo ah diblomaasi hore.

Maxamed Caalin ayaa intaa raciyay in Kenya labadii sano ee madaxweyne Farmaajo ay rajo badan ka qabtay in arrintan muranka xudduuda badda xal laga gaaro, balse hadda ayuu sheegay inay u muuqato in Kenya ay dooneyso in arrintan maxkamadda laga dhursugo.

 

Dhanka kale iskaashigii dhex-maray dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ayuu caalin sheegay in kenya laga yaabo in shaki badan ay ka qabto, taasi ay keeni karto in Kenya aysan la dhacsaneyn siyaasdaaha madaxweyne Farmaajo.

"Madaxweyne Farmaajo wuxuu bilihii u dambeeyay xiriir la yeeshay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, wuxuuna meelo badan ka sheegay in xiriir cusub oo geeska Afrika dhexmari doona, xiriirka uu Framaajo ugu dhawaaday Itoobiya, Kenya shaki badan ayay ka qabtaa". Ayuu raaciyay.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd, kadib markii Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau uu sheegay in Soomaaliya ay "xaraashtay" shidaal laga sahmiyay xad badeedka lagu muran sanyahay ee labada wadan.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-tii ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya.

Dacwadaasi ayaa haatan hortaalla maxkamadda ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xiriirta arrintan, inkastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah oo bannaanka ka ah maxkamadda.

source.BBC

Category