Aarhus/ Covid-19 : 25 Kamid ah darawalada Basaska magaalada oo guryahooda loo diray

RH: Kadib kolkii la xaqiijiyey in 4 kamid ah darawalada magaalada Aarhus laga helay Corona Virus ayaa ay shariikada basaska iyo dhakhtar gaar ah oo ka socdey dawladu go'aamiyeen in guryahooda loo diro guud ahaan 25 darawal, taas oo sababtay in isla maantaba si wayn looga dareemo magaalada gaadiidka basaska oo xiliyadii lagu bartey in ay jidadka soo maraan kala go'ay markii waayey darawlo hawsha markiiba la wareega .

Hay'ada ay hoosyimaadaan basasaka magaalada Arhus oo loo yaqaano Sporveje ayaa sheegtey in darawalo waday Basaska magaalada maalmihii Salaasada iyo Arbacada maanta  laga helay xanuunka  Covid-19, kadibna ay raad raaceen guud ahaan shaqaalihii kale ee ay la kulmeen xubnahaasi tiradaas oo noqotey 43 qof .

  " badh ka mid ah guryahaanu udirney inta kalena waanu eegi halka xaal kudambeeyo" ayuu yidhi Bjarne Larsen oo saxaafada u waramayey galabta

hay'ada guud ee agaasimka caafimaadka Denmark  Statens serum institute ayaa sheegtey in 24kii saacadood ee la soo dhaafay xanuunka laga helay 112 qof kuwaas oo 42 kamid ahi ku noolyihiin magaalada aarhus.

 

 

Category