Abiy Axmed oo sheegay in uu diyaar u yahay in uu qaabilo dadka ka soo qaxaya Tigray

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu qaabilo kumaananka qof ee qaxootiga ah ee kasoo qaxayo gobolka Tigray halkaas oo uu dagaal ku dhexmarayo ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan TPLF.

Wuxuu wacad ku maray in uu difaacayo hantidooda isla markaana uu xaqiijin doono dib usoo celinta amniga gobolka, sida laga soo xigtay qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka.

Qaramada midoobey waxay sheegtay in ku dhawaad 20,000 qof ay kasoo qaxeen dagaallada ka taagan Tigray kuwaas oo haatan gaaray dhinaca Suudaan.

Dowladda Itoobiya waxay ku gacan seyrtay baaqa ah in wahadallo lagu dhameeyo dagaalka.

Abiy wuxuu sheegay in howlgalka militeri uu sii socon doono tan iyo kala dambeynta dib loogu soo celinayo gobolka.

Wuxuu sheegay in howlaha gurmadka ah ee loo fidinayo shacabka ay garab siin doonaan militeriga balse ma kala cadda sida ay arrintaas ku dhaqan geli doonto maadama ay dagaallada weli socdaan.

Dhanka kale, ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla koonfurta gobolka Tigray halkaas oo uu dagaalka ka socdo.

Magaalada Alamata- ayaa dhacdaa gudaha Tigray kaddib markii ay isaga baxeen xooggaga TPLF.

 

xigasho BBC

Category