Afar Qodob Oo laga Soo-Saarey Shirkii Nabadaynta Ceel-afweyn

Ceel-afweyne(RH)Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wafdigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminaayay ayaa maanta shir-jaraa’id ku qabtay guriga martida ee degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag iyagoo ka hadlay halka ay u marayso hawshii nabadaynta ee ay halkaasi u joogeen muddo soona saaray 4 qodob oo lagu adkaynayo nabad-galyada deegaamadaasi looguna sii gogol xaadhayo shir nabadeed oo dhex mara dadka deegaankaasi.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo hadalka furay ayaa sheegay inay meel wanaagsan u marayso hawsha nabad-gelyo ee ay u socdeen, isalamrkaana waxa uu baaq u diray labada beelood ee walaalaha ee dirirtu ku dhexmartay deegaamadaasi, waxaanu yidhi "Amaanka iyo nabad-galyada guud ahaan deegaanadan waxa gacanta ku haya ciidamada qaranka Somaliland, waxaan ugu baaqayaa ciidamo beeleedyadu inay koox waliba joogto halkii aanu u qorshaynay inta aanu hawsha nabadaynta gacanta ku hayno , waxaanu garanay in la kala fogeeyo dadka walaalaha ciidamadooda haday tahay aagaga fadhi-gaab iyo darar-weyne"ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka arrimha guduhu.

 

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha, wasiirka diinta iyo aw-qaafta, iyo wasiirka xannaanada xoolaha iyo kaluumaysiga oo iyaguna si weyn dadka shacabka ah ugu booriyay qiimaha nabada iyo ilaalinta midnimada ummadda ku dhaqan deegaamadaasi.

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna qayb ka ahaa wafdigani islamarkaana maanta soo gaadhay magaalada Ceel-afweyn oo isna shirkaasi jaraa'id ka hadlay waxa uu baaq dheer u diray dadka sawirka xun ka faafinaya waftiga nabadaynta ee sheekha iyo shariifkaba leh waxaanu yidhi Guddomiyuhu "Colaadda dadkan walaaha ah cadaw badan ayaa ka faa'idaysanaya waxay inagu noqotay bar xun inagoo ogsoon halgankii qadhaadhaa ee aynu soo marnay inaynu maanta innagii is qabsano idinkoo og dagaalka iyo colaadda inagu socota, maanta ninka ergadaa aanu nahay diida inkaar ayaa ku dhacaysa wax shuruuda oo lagu xidhaana waa in aanay jirin"ayuu yidhi Guddomiye Faysal Cali Waraabe.

 

Madaxweyneku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo soo gunaanaday shirkaasi jaraa’id ayaa halkaasi ka akhriyay 4 qodob oo lagu adkaynaayo nabad-galyada laguna gogol xaadhayo shir-weynaha nabada ee deegaanka waxaanu yidhi "Waxaan halkan kasoo jeedinayaa 4 qodob oo aanu ku amrayno cid kasta oo qayb ka ah colaada ceel afweyn.

 

1.            In ciidamo beeleedyada nin waliba uu ku sugnaado halkii loo qorsheeyay.

2.            In Ciidamadaas cidii ka tirsan ee lagu arko meel aan ahayn meeshii loo qorsheeyay  loo aqoonsanayo inay yihiin fidmo wadayaal.

3.            In Ilaalinta dhaq-dhaqaaqyada ciidamada hubaysan ee beelaha ay masuul ka yihiin  ciidamada Qaranka  Somaliland iyo

4.            In Ilaalinta nabad-galyadu ay tahay danta guud ee qaranka, gaar ahaan danta Ceel-afweyn, waxaanu xil-buuxa naga saaran yahay soo afjarida  mashaqadaas.

 

 

Category