Al-Shabaab oo gubtay' tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Muqdisho (RH)-Waxa laga dayrinayaa xaaladda nololeed ee qoysas ka cararray tuulooyin hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib markii ururka Al-Shabaab lagu eedeeyay inay gubeen tuulooyinkaasi, isla markaana ay duugeen ceelashii biyaha laga cabi jiray ee deegaanka.

Maamulka degmada Maxaas ayaa sheegaya in Al-Shabaab sidoo kale ay damiyeen isgaarsiintii deegaanka, taasoo keentay in xitaa dadka tuulooyinkaasi ka cararray ay awoodi waayaan inay wax ku iibsadaan lacagta elektoroniga ah ee taleefannadooda ugu jirta.

Mid kamid ah odayaashii ka tagay tuulada Bukure oo qiyaastii 60 km u jirta degmada Maxaa, lana yiraahdo Maxamed Cumar Cabdi ayaa BBC-da u sheegay in dadka ay isaga qaxeen halkaas kadib markii ay dhibaato kala kulmeen Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in dadka ay ooman yihiin maadama ay kooxda ka duugtay ceelkii tuulada ku tiirsaneyd.

Xiggasho:BBC

Category