Amaal xaq ma u leedahay inay ku noqoto Denmark?

Amaal Nuur Cusmaan oo ay dhawaan gacanta kusoo dhigeen ciidamada booliska Soomaaliya ayaa lagu soo warramay inay u dhooftay waddanka Denmar, iyadoo ay wehlineysay safiirka Denmark ee Soomaaliya.

Amran Xalane ayaa bartamihii bishan warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in gabadheeda "loo gacan galiyay ciidanka ilaalada madaxtooyada, markii ay weydiisayna ay lacag madax furasho ah ka dalbadeen".

Amaal oo Soomaaliya kasoo jeedda, balse heysata dhalashada waddanka Denmar, ayaa la waayay markii sida la sheegay ay ka baxsatay xarun dhaqan celin ah oo ay qoyskeeda geeyeen.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey sheekada ku saabsan gabadhan si weyn u qabsatay baraha xiriirka bulshada Soomaalida iyo warbaahinta, waxaana si weyn loo hadal hayay eedeynya ciidanka lagu tuhmayay iyo kaalinta booliska dambi baarista ay ka qaateen arrintaas.

Hase yeeshee 21-kii bishan ayuu Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} sheegay in ciidanka boolisku ay gacanta ku hayaan oo ay heleen Amaal Nuur Cusmaan.

Taliyaha oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Amran iyo saddex gabadhood oo kale ay ka carareen xarun dhaqan celis ah oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed

Amran oo ay boolisku wareysteen markii ay ka baxeysay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegtay in ay da'deedu tahay 18 sano, taasoo ka hor imaaneysa hadalkii ay sheegtay hooyadeed oo ahaa in gabadheedu ay tahay 14 jir.

Waxay intaas ku dartay in maalmihii ay maqneyd ay gacanta ku hayeen hay'ad ka shaqeysa xannaanada haweenka, oo si wanaagsan loola dhaqmayay.

Haweeneyda Denmark safiirka uga ah Soomaaliya, oo fadhigeedu yahay Nairobi, ayaa Muqdisho tagtay si ay ula soo wareegto gabadhan.


Demark xaq ma u leedahay inay Gabar Soomaaliya kasoo jeedda kaxeysato?

Demark xaq ma u leedahay inay Gabar Soomaaliya kasoo jeedda kaxeysato?

Siyaabo kala duan ayey dadka uga hadlayeen sharciyadda ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay gabadhan gacanta u galiso safiirka Denmar, islamarkiina si toos ah loogu qaado waddankaas.

Xassan Ibraahim, oo ah qareen ka holw gala waddanka Denmar, muddo 32 sano ahna ku sugnaa dalkaas ayaa BBC-da u sheegay in Denmar ayxaq u leedahay inay soo ceshato qof kasta oo sharcigeeda weyn heysta.

Waxaan su'aal ka weydiinnay sida ay Soomaaliya saameyn ugu yeelan karto xuquuqda waddaninimo ee gabadhaas.

"Waxaa jira sharciyo la kala dhigtay adduunka oo dhan, waana la kala xoog badan yahay, waayo Soomaaliya marka la eego sharcigeedu ma adka laakiin Denmar sharcigeedu aad buu u adag yahay, sidaas darteed Soomaaliya kuma doodi karto xuquuqda waddan ee gabadhaas, haddii xitaa maxkamad la isla tagana waxaa uga guuleysaneysa Denmar", ayuu yiri Xassan.
Soomaalida ku nool Denmark oo Welwel xoogan soo foodsaaray

Qareenkan ayaa sheegay inuu si shakhsi ah uga war hayo kiisas kale oo ku saabsan daddhalashada Denmar heysta oo Soomaaliya dib looga celiyay, ka dib markii ay dowladda Denmar faragalin toos ah ku sameysay.

"Aniga waxaan ogahay ilaa 5 kiis oo labadii sano ee ugu dambeeyay ka dhacay Soomaaliya, tii ugu dambeysayna waxay ahayd gabar loo soo celiyay Denmar, oo ay danjiraha Denmar intay tagtay Soomaaliya kasoo kaxeysay", ayuu yiri.

Xassan wuxuu sheegay in Amaal marka ay Denmar ka dagto laga yaabo inay dowladda la wareegto, qoyskeedana aan dib dambe loogu oggolaanin.

Dowladda Dhaanishka ayuu sheegay inay waayadii dambe sharci kasoo saartay carruurta loo dhaqan celiyo Soomaaliya, ka dib markii ay soo bateen kiisaska noocaas ah.

Sida kale ee carruurta dhalashada ka heysta Denmar loogu oggolyahay inay Soomaaliya ku noolaadaan waa in ay raacaan labadooda waalidba, sida uu sheegay qareenka la hadlay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

Xiggasho:BBC

Category