Amina Mude iyo Ben Kitili ee Arooskooda mar aadka loo hadal hayay oo "ku soo idlaaday kala tag"

Baraha Bulshada Kenya ayaa lagu hadal hayaa fuirinka gabadh Soomaali ah iyo wiil caan ka ah dalka Kenya oo ah weriye ka howl gala mid ka mid ah warbaahinta maxaliga ah oo arooskooda uu dhacay laba sano ka hor.

Ben Kitili oo haysta diinta Masiixiga iyo Aamina Mude oo Muslim ah ayaa arooskooda markii uu dhacaayay wuxuu qabsaday baraha bulshada, iyadoo dad badan ay taageera u muujiyeen halka kuwa badana ay ku gacan seyreen.

Inta badan waxay noolashooda ku soo bandhigi jireen baraha bulshada halkaas oo ay ku haysteen taageero aad u ballaaran.

Balse warbahinta Kenya ayaa waxay qoreysaa in labadan lamaane ay kala tageen iyagoo soo xiganaya barta Instgram-ka ay ku leedahay Aamina Mudeey.

"Aniga iyo Ben waan kala 'tagnay', mustaqbalka waxa xiga ma ogi, laakiin waxaan ku faraxsanahay wakhtigii quruxda badnaa ee aan wada qaadannay, iyo ilmaha qurxda badan ee aan isku dhalna.y".

Aamina ayaa sheegtay inay muddo bil ka hor kala tageen Ben balse ay go'aansatay inay hadda uun shaaciso.

"Waxay ahayd hal bil oo xanuun badan oo ilmadu ay iga da'aysay balse waxaan ogahay in maalin un aan iftiinkii heli doono", ayey ku qortay barteeda Instgramka.

Haseyeeshe Ben Kitili ayaan wali ka hadlin arrintan baraha bulshada qabsatay.

Bishii Nofembar ee sanadkii 2018, Soomaalida Kenya ayaa aad uga hadashay guurkan dhex maray weriyahan u shaqeeya TV-ga dalka Kenya ku yaalla ee KTN iyo Aamina.

Sannadihii la soo dhaafay Soomaalida waxaa la sheegaa in ay si tartiib ah u dhex galayeen mujtamacyada kale. Guurka Ben iyo Aaminana Soomaali badan ayaa tilmaamay inuu liddi ku ahaa dhaqanka iyo diinta.

Baraha bulshada ayaa aad loogaga sheekaysanayey guurka weriya Ben Kitili iyo Aamina Muudeey oo aqal galay ka dib markii ay muddo saaxiibbo ahaayeen, laba canugna ay isu dhaleen.

Waxay ku aqal galeen xaflad ay dad yar oo ah saaxiibadood iyo xubnaha qoysaskooda ka soo qayb galeen.

Mar ay Aamina ka jawaabeysa dareenka ah inaysan sax ahayn inay nin masiixi ah guursata iyadoo Muslim ah ayaa waxa ay tiri, "Waxba kama soo qaadina rrintaasi, waxa muhiim ah ayaa ah in Ben uu yahay nin wacan taas ayaana i qancisay".

Amina ayaa barteeda instgramka ku qortay in wax walbo ay hagaagi doonaan oo dhibka ka bixi doonto sido kalena ay dooneysay in dadka ku xiran barteeda ay xaalada la socodsiiso inta aysan warbaahinta soo qorin.

 

isha warkan . BBC

 

Category