Amisom oo beenisay inay ku lug laheyd dagaalka Guriceel

MUQDISHO (RH)— Madaxda howlgalka Amisom ee Soomaaliya ayaa sheegay inay aad uga warwareen markii ay maqleen eedo uga yimid Ahlu Sunna Waljamaca oo ahaa in Ciidamada Amisom ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii afarta maalmood magaalada Guriceel ay kula galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

“Eadahan waa kuwo been abuur ah, halis ah oo si cad loola jeedo in lagu xumeeyo xiriirka AMISOM iyo Bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay AMISOM.

Qoraalka ayaa lagu yiri “howgalka Amisom ee isugu jira midka militariga iyo taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya waxaa haga qaraarada Golaha Nabadgelyada ee Midowga Africa iyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.”

Amisom ayaa sheegtay in mabaadii’da ugu weyn ee hagaya howlgalkeeda ay ka mid yihiin wiiqidda Al-Shabaab iyo argagixisada iyo in dowladda Soomaaliya ay ku taageerto sugidda amaanka iyo sidoo loo soo celinta xasiloonida dalka.

Amisom waxay ku sheegtay qoraalkeeda in tan iyo markii uu qarxay dagaalka Guriceel ay AMISOM qeyb ka aheyd baaqyada loo jiidinayay dhinacyada inay ku xaliyaan kala aragti duwanaanshiyahooda wada-hadal iyo si xasillan.

Xiggasho: BBC

Category