Ardey ku dhawaacantay duqeyn laga geystay caasimadda Tigray

Ardey ayaa ku dhaawacantay duqeyn laga geystay agagaarka jaamacadda Mekelle, sida uu ku warramay teleefishinka gobolka Tigray.

Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in la duqeeyay garoonka diyaaradaha ee gobolkaas halkaas uu dhaawac kasoo gaaray dad rayid ah.

Militeriga Itoobiya weli kama aysan hadlin duqeyntaas.

Ciidamada Itoobiya ayaa howlgal militeri ka wadaa gobolka Tigray, halkaas uu dagaal ku dhexmaray ciidamada militeriga iyo dagaalyahanada TPLF.

Boqolaal qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen colaadda Tigray halka in ka badan 30,000 qof ay ka qaxeen gobolka kuwaas oo gaaray dhinaca Suudaan.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in ciidamadeeda ay ku dhaw yihiin caasimadda Tigray.

 

xigasho BBC

Category