Banaanbax Balaadhan Oo Lagu Taageerayo Waxqabadka Raisul-wasaaraha Ethiopia Oo Ka Dhacay Jigjiga

Jig-jiga(RH)Waxaa maanta Magaalada Jig-jiga ee Xarunta DDSI ka Dhacay  banaan bax balaadhan oo lagu taageerayo waxqabadka Raisal-wasaaraha JDFI Dr Abyi Ahmed,waxaana soo qaban-qaabiyey  ururka dhalinyarada kacaanka gaamuray ee HEEGO. Iyadoo banaanbaxanina ahaa mid islamarkaana lagu canbaaraynayo qarixii foosha xumaa ee kadhacay magaalada Adis-ababa. Waxaana banaanbaxan kala soo qaybgalay bulshada iyo dhalinyarada kacaanka gaamuray ee heego Madaxwaynaha DDSI  Cabdi Maxamuud Cumar.

 

banaan baxan oo ahaa mid ururka dhalinyarada kacaanka gaamuray ee heego iyo bulshada ku dhaqan magaalada jigjigaba ay ku muujinayeen taageeraha balaadhan ee ay lagarab taagan-yihiin xukuumada fedaraalka ah ee uu hogaamiyo raisal wasaaraha dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed iyo waliba xukuumada DDSI ee uu hogaamiyo Madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar islamarkaana ay canbaarayn kulul usoo jeedinayaan dadkii kadanbeeyay  falkii foosha xumaa ee shalay kadhacay magaalada adhisababa. Waxaana ugu horayn halkaas khudbad muhiim ah kasoo jeediyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn u mahadceliyay bulshada isu soobaxday ee ay ugu horeeyaan ururka dhalinyarada kacaanka gaamuray ee heego. Wuxuuna madaxwaynuhu canbaarayn kulul usoo jeediyay dadkii ka danbeeyay qaraxii foosha xumaa ee argagixisanimada ahaa ee shalay kadhacay  magaalada adhisababa. Sidookale madaxwaynaha oo hadlakiisa sii wata ayaa u tacsiyeeyay ehaladii iyo qaraabadii  dadkii uu dhibku kasoogaadhay qarixii foosha xumaa ee aragagixisanimada ahaa ee shalay kadhacay magaalada adhisababa.

Sidooakale, madaxwaynaha ayaa sidookale uga mahadceliayay dhalinyarada kacaanka gaamuray ee heego sida ay taageerahooda ay  u hayaan RW dalka Dr Abiyi Ahmed ay ugu muujiyeen banaanbaxan balaadhan islamarkaana ay u canaabraynayaan qarixii foosha xumaa ee shalay kadhacay adhisababa ee l ala beegsaday isusoobixii lagu taageerayay waxqabadka RW dalka Dr Abiyi Ahmed.

 

Dhankakale, intii uu madaxwaynuha khudbadiisa kuguda jiray ayaa wuxuu si mooral ah kor ugu dhawaaqay  odhaahyadan ay kamidka yihiin ‘’HEEGO HA WAARTO’’ ‘’HEEGO, HEEGO, HEEGO HA GUULAYSATO’’.

Hasayeeshee, isusoobaxan balaadhan oo ahaa mid aad u heersareeya ayaa waxay dhalinyarta heego kor ugu dhawaaqayeen halkudhagyo ay kamid yihiin ‘’Hadh iyo Habeenba waan garab-taaganahay waxqabadka balaadhan ee dalka iyo deegaankaba.’’ Waan garabtaaganahay xukuumada DDSI ee uu hogaamiyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, waxaan si wayn u taageersanahay waxqabadka balaadhan ee wakhtiga yar kuqabatay RW Dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed Ali.  Waxaan cabaarayn kulul usoo jeedinayanaa dadki kadanbeeyay falkii foosha xumaa ee shalay kadhacay adhisababa waxaan utcasiyaynayna

Ugudanbayna, culimo-awdiinka, odayaasha iyo waliba waxgaradka kudhaqan magaalada jigjiga ayaa bogaadiyay waxqabadka mudadayar uu kuqabtay RW Daka Dr Abiyi Ahmed. Sidookale waxay canbaarayn kulul u soojeediyeen dadkii falka foosha xun ee aragagixisanimada ahaa kadanbeeyay ee shalay kadhacay magaalada adhisababa. Waxayna u tacsiyeeyeen eheladii iyo qaarabadii dadkii uu dhibku kasoogaadhay qaraxii foosha xumaa.

Category