Booliiska oo raadinaya markhaatiyaal weerar dhiig ku daatey oo ka dhacey magaalada Aarhus

RH. Kolding: Niman damabiilayaal ah  ayaa si toos ah u bartilmaameedsaday laba nin  habeenimadii Khamiistii meel gawaarida la dhigto  (Parking)  ku yaal wadada Graham Bells Vej ee waqooyiga Aarhus.

Dhibbanayaashu waxay ku dhex jireen baabuur barxada  Leo ee Legeland waxaa goobtii yimid  laba baabuur oo dheeri ah .

Lix ama toddobo qof ayaa soo booday oo ku weerartay nimankii baabuurka kujiray mindiyo iyo hubka wax lagu weeraro.

Ka dib waxay dhibanayaasha ka dhaceen "lacag ka badan oo kaash ah". Sidaas waxa yidhi bilayska bariga Yuulland oo ku qoray warbixintiisa 24 saac. -

Bilaysku waxay aaminsanyihiin  in dembiilayaashu ogaayeen in labada nin goobta iman doonaan, isla markaana ay haystaan ​​lacag badan oo kaash ah, ayay qortay warbixinta bilaysku.

Denbiilayaasha ayaan wali bilaysku soo qaban, sidaas awgeed bilayska bariga Yuulland ayaa raadinaya markhaatiyo ku saabsan weerarkaas.

Weerarku wuxuu dhacay waxyar kahor 10-kii fiidnimo.

Mid ka mid ah labada  nin ee la weeraray oo  26 jir ah  ayaa ku baxsaday  dirqi iyo xagxagasho dusha sare kasoo gaadhey , halka dhibanaha kale  oo ah nin 35 jir ah - uu si xun u dhaawacmay waxaana soo gaadhay dhaawac mindiyeed oo qoto dheer oo ku dhacay halbowlaha bowdada.

Weli wuxuu ku jiraa daweynta laakiin wuxuu ka baxay halista  dhimashada .

Tilmaanta  dembiilayaasha iyo sidoo kale gawaarida ay wateen  waa la qariyey.

Raggaan waxaa lagu tilmaamay inay Soomaali yihiin muuqaal ahaan, waxaaney wateen gaari madow iyo Skoda Kombi midab leh, siday u kala horreeyaan.

Lambarka dambe ee diiwaangelinta baabuurta wuxuu ku bilaabmay midkood CK ama GK. Markhaatiyaasha macluumaadka kiiska haya waxay la xiriiri karaan booliska bariga Jylland taleefanka 114.

isha warka . jv.dk

Category
Comment