Burco oo markii ugu horreysay laga furay xarrun lagu xanaaneeyo Digaaga

Burco (RH)-Magaalada Burco ee xarrunta gobalka Togdheer ayaa waxaa markii ugu horreysay laga furay xarrun lagu Xanaaneeyo digaaga.

Mas’uuliyiinta xarrunta furay ayaa sheegay in xarruntan ay tahay tii ugu horreysay ee nooceeda oo laga hirgaliyo Burco waana meel loogu talagalay in si casri ah loogu xanaaneeyo digaaga.

Waxa ay sheegeen in xarruntan digaagga lagu xanaaneeyo loogu talagalay in ay soo saarto ukumo badan si magaalada loogu beec geeyo.

Akhristow, haddaad maqli jirtay Soomaalidu waxa ay dhaqataa Geel, Lo’, Ari ama Fardo oo kaliya, haatan warkii hore war soo dhaaf, oo hadda dhaqashadii waxaa ku soo biiray digaagga, oo xeryo inta loo sameeyay sidaa lagu xanaaneeyaa.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category