Cabdi Maxamuud Cumar oo la xiray iyo xiisad ka taagan Jigjiga

Jigjiga (RH)-War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in madaxweynihii dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar la xiray, kaddib markii saaka ay ku weerarreen gurigiisa ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya.

Warku waxa uu sheegayaa in Cabdi Maxamuud Cumar la jirdilay isla markaana diyaarad lagu kaxeeyey iyadoo lala aaday dhinaca magaalada Addis Ababa.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shaley si rasmi ah u sheegay in uu xilka iska casilay, kaddib markii shir ay yeesheen golaha fulinta ee xisbigiisa Dimuquuraadiga Soomaalida Itoobiya, waxaana ay madaxweyne u magacaabeen Axmed Cabdi Shiikh Maxamed.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa deggan maalintii seddaxaad balse meelaha qaar weli waxaa ka taagan xiisad waayo dadka aan Soomaalida ahayn gaar ahaan kuwa oromada ayaa cabsanaya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category