Ciidamada Itoobiya oo 'ku dhaw' caasimadda Tigray

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay guulo militeri ka gaareen waqooyiga Tigray halka ciidamada ay ku dhaw yihiin caasimadda Mekelle.

Dagaalyahanada Tigray ayaa wadaa dagaal ay ku difaacaan magaalada Alamata oo dhawaan dowladda sheegtay inay la wareegtay.

Dadka ka qaxaya gobolkan ayaa weli kusii qulqulaya Suudaan, dad badan ayaa isaga qaxay Tigray in ka yar labo toddobaad markii ay dagaallada halkaas ka qarxeen.

“Ficilka ugu dambeeya ee fulinta sharciga waxaa la fulin doonaa maalmaha soo socda,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare Abiy Ahmed

Guddiga Abiy u xil saaray dagaalka Tigray ayaa dhankoodana ku eedeeyey Tigray inay burburiyeen buundooyin isku xira magaalada caasimadda ah ee Mekelle iyo qeybaha kale ee dalka, si ay u joojiyan ciidamada federaalka ee kusoo siqaya.

“Fallaagada TPLF waxaa dhowaan lagula xisaabtami doonaa burburinta kaabayaasha iyo dambiyada ay ku kacayaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war oo kasoo baxay TPLF oo la xiriira sheegashada dowladda.

Ciidamad federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay “xoreeyeen” deegaanada Raya, Chercher, Gugufto iyo Mehoni oo ku yaalla qeybaha bari ee gobolka Tigray, iyo deegaanada Shire oo ku yaalla dhinaca galbeed.

Ciidamada federaalka ayaa sidoo sheegtay inay burburiyeen saldhigyo militari xilli ay kusii socdeen Mekelle.

“Ciidamada fallaagada waxay hadda ku jiraan dib u gurasho, waxaana ku siqaya kuwa federaalka si cadaaladda loo mariyo,” ayey tiri dowladda.

Hoggaamiyayaasha Tigrayga ayaa ku eedeeyey ciidamada federaalka inay burburiyeen biyo xireen iyo warshad sonkor, ayaga oo si “arxan darro ah” u weeraraya shacabka shanta milyan ah ee Tigray-ga.

Dowladda waa ay beenisay inay beegsatay shacab.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in "xaalad bina'aadanimo oo ballaaran" ay ku soo fool leedahay.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shaley sheegay in howlgalka milateri ee ka soconaya gobolka Tigray uu galay wajigiisii ugu dambeeyay.

Dhanka kale madaxweynaha gobolka Tigray ayaa madaxda caalamka iyo kuwa Afrikaba ugu baaqay inay cambaareeyaan dagaalka uu ku eedeeyay inay soo qaadday dowladda federaalka.

Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa ku eedeeyay xoggaga Tigray inay xasuuq ka geysteen gobolka halka eedeymahaas ay beeniyeenTPLF.

Guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya waxay sheegeen in koox gaar ah u dirayaan gobolka si ay usoo baaraan dilalka ka dhacay halkaas.

 

 

Category