Ciidanka Booliska Gobolka Saaxil Oo ka Hadley  11 qof Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo ka Dhacay  Berbera

Berbera(RH):-Taliyaha qaybta Ciidanka booliska gobolka Saaxil Gaashaanle dhexe Faysal Ibraahin Yuusuf (Faysal Taygaro) ayaa ka Hadley Shil gaadhi oo sababay Khasaare Dhimasho iyo dhaawacba leh oo xalay fiidkii ka dhacay  duleedka  Bari ee magaalada Berbera.

shilkan Baabuur ayaa waxaa sababay ka dib markii ay isku dhaceen  laba gaadhi oo midna yahay Gaadhi kuwa qaadka qaada  ah iyo baabuur Noha ah oo siday Tahriibeyaal Itoobiyaan ah kaasi  oo ay ku Geeriyoodeen Ugu yaraan 11 qof, 13 qofna ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Saaxil Gaashaanle dhexe Faysal Ibraahin Yuusuf (Faysal Taygaro) ayaa sheegay in shilkaa labada baabuur uu ka dhacay duleedka kaantaroolka bari ee magaalada Berbera isla markaana ay isku dhaceen gaadhi kuwa waawayn ee jaadka qaada ah iyo gaadhi Nooho ah oo siday dad Itoobiyaan ah oo u socday dhanka magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Saaxil ayaa sheegay in shilkaa labada gaadhi ay ku dhinteen 11 qof oo dhammaantood Itoobiyaan ah kuna dhaawacmeen 13 qof oo kale, waxaanu intaa raaciyay in dadkii ku dhaawacmay iyo Meydadka dadkii ku geeriyoodayba la keenay cisbitaalka guud ee Berbera. Waxaanu yidhi “Shilku wuxuu ka dhacay duleedka kaantaroolka bari ee magaalada Berbera waxaana isku dhacay laba gaadhi oo midna baabuurta qaadka yahay minda uu ahaa Noho sidey dad Itoobiyaan ah oo u socday dhanka Boosaaso, waxaana ku dhintay 11 qof oo dhammaan Itoobiyaan ah, waxaana ku dhaawacmay 13 qof, dhaawiciina waxaa lagu dawaynayaa cisbitaalka guud ee Berbera Meydadkiina waxaa la dhigay Cisbitaalka guud.” Ayuu yidhi Taliyaha qaybta booliska gobolka Saaxil

 

Category