Colaad Mudo 9 Sano Ah Ka Taagnayd Degmada Taleex Oo La Soo Af-jarey

Hargeysa(RH)Shirkii nabadaynta ee ka socday magaalada Taleex ee xarunta gobolka Xaysimo, ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana si rasmi ah loo soo afjaray colaad muddo dheer halkaasi ka taagnayd, kadib wadahadallo todobaadyadii la soo dhaafay halkaasi ka socday.

Shirkan nabadaynta oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday magaalada Taleex ayaa si rasmi ah loogu soo af-jaray collaadii u dhaxeysay beelaha walaalaha ah ee halkaasi wada-degan. Colaaddaasi oo deegaankaasi ka taagnayd illaa iyo dhamaadka sannadkii 2011-kii.

Ergada ka qayb gashay shirkan nabadaynta oo isugu jiray madax-dhaqameed, odayaal, waxgarad, iyo xidhayaasha labada beelood ee ay colaaddu ka dhaxayso, ayaa ku dhawaaqay qodobada lagu kuntayo nabadda deegaankaasi, iyada oo ay go’aamadaasina ay si rasmi ah u aqbaleen xidhayaasha labada beelood. Sidoo kalena waxaa gacmaha la isu saaray Odayaasha iyo dhalinyarada labada Beelood.

Degmada Taleex ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka socday shirar nabadayn ah oo si gaar gaar ah loogula kulmayay qaybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo maanta oo Sabti ah loo ballansan yahay shir ballaadhan oo lagu shaacinayo nabadda laga gaadhay colaaddaasi.

Caaqilka guud ee beelaha degmada Taleex, Chief Caaqil Ismaaciil Maxamed Cali Koore, ayaa dedaal iyo juhdi badan geliyay nabaddaynta iyo deminta colaaddaasi, isaga oo degmada ku casuumay isuguna yeedhay madaxdhaqameed tiro badan oo kala duwan, kuwaasi oo ka qayb qaatay nabbadda.

Caaqil Cabdirashiid Xirsi Cali oo ka mid ah xidhayaasha labada beelood ee ay colaaddu u dhaxaysey oo shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa si cad u ballan qadaay in ay aqbaleen go’aamada ka soo baxay shirkaasi ee lagu soo af-jaray colaadda muddada dheer soo jiitantay, waxaanu yidhi, “Waxaan hortiina ka ballan qaadayaa, waxaan ILLAAHAY markhaati gashanayaa in aan aqbalay oo aan daacad ka ahay nabaddaa aanu u dhaaranay ee aanu Kitaabka gacanta ku saarnay.

Waxaa loo baahan yahay in aynu dhammaanteen meel uga soo wada jeedsano nabad gelyada, oo aynaan khasaarayn ergayada iyo isimada inoo yimid.”

Dhinaca kale, madax-dhaqameedka iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Taleex ayaa si weyn u soo dhaweeyay nabadda ka islaaxday degmada, waxaanay socod balaadhan oo ay ku soo dhaweynayaan ku dhex mareen waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi dhex maray. Iyada oo uu horkacayo Guddoomiyaha gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed Jaamac (Xiir).

Guddoomiyaha gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed Jaamac (Xiir), oo isagu horkacayay isu soo baxa ay bulshada reer Taleex ku soo dhawaynayaan nabadda, ayaanu wax ka waydiinay xaaladda magaalada, waxaanu yidhi “Magaalada Taleex ee gobolka Xaysimo, waxa ka socday muddadii u dambaysay shirka nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ay collaadu dhex taalay, iyada oo ay colaaddaasi taagnayd muddo lix sanno ah, in badanna tacab iyo dedaal ba la geliyay, balse aanay arrintaasi dhammaanin. Alxamdu Lillaah hadda uun bay noqotay in hawshaasi dhamaato, colaaddaasina waa ay dhammaatay oo waa la heshiiyay, maantana waxaa magaalada ka dhacay isu soo bax weyn oo lagu taageerayo nabadda, roob donna lagu akhriyayo, xaaladduna meel fiican bay maraysaa.”

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka hay’adda ka hortagga Aafooyinka iyo kaydka Raashinka mudane Faysal Jaamac Xirsi Maxamed (Xawte), oo ku sugan magaalada Taleex, isaga oo u mahad celiyay ergada iyo guddiyada nabadaynta hawsha wanaagsan ee ay qabteen, waxaanu tilmaamay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay danaynayso arrinta nabadaynta degmada Taleex, iyada oo si dhaw isha ugu hayeen Madaxweynaha Somaliland, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka khayraadka biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo badhasaabka gobolka Xaysimo, isla markaana ay kala shaqaynayeen guddidayada kala duwan ee ku hawlan.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda ka hortagga aafooyinka iyo kaydka Raashinka mudane Faysal Jaamac Xirsi Maxamed (Xawte), oo uu wehliyo Guddoomiyaha gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed Jaamac (Xiir), ayaa shir jaraaraa’id ku qabtay Geedka Gedefta leh ee magaalada Taleex, ayaa baaq ka soo saaray xaaladda abaareed ee deegaankaasi, iyada oo guddoomiye ku xgeenku halkaasi kaga dhagaystay maamulka gobolka warbixin la xidhiidha saamaynta ay abaartu ku yeelatay deegaanka, waxaanu halkaasi baaq uga jeediyay hay’addaha samo-falka iyo xukuumadda, isaga oo u soo jeediyay in la si wadajir ah wax looga qabto xaaladda abaareed ee degmooyinka Taleex iyo Xudun.

 

Category