Colaadda Soomaalida iyo Canfarta oo dib usoo cusboonaatay

Dagaal ayaa hadda ka socdaa duleedka magaalada Garba Ciise kaas oo u dheexeeyo Soomaalida iyo Canfarta, sida ay BBC u sheegeen dad goob joogayaal oo ku sugan aagga uu dagaalka ka socda.

Wararka waxay intaa ku darayaan in dagaalkan uu u dhexeeyo xoolo dhaqatada soomaalida ah iyomaleeshiyaad ka soo jeedo deegaanka Canfarta.

Ilaa hadda lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay colaaddan.

Magaalada Garba Ciise waxay dhacdaa jidka isku xira Itoobiya iyo Jabuuti.

Shaley ayay aheyd markii Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay sheegtay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggaanka aagga Garba Ciise iyo deegaannada ku xeeran.

Hadalkan ayaa imaanaya kaddib dagaal Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay aaggaasi oo la sheegay inay ku dhinteen Soomaali badan kaddib markii ay halkaasi weerrar kula wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka deegaanka Canfarta.

Xiggasho: BBC

Category