Coronavirus: Dalka keliya ee Yurub ee aan ka walwalsaneyn

Qaaradda Yurub hadda waxay xudun u noqotay xanuunka corona, balse waxaa jira dal katirsan qaaradaas oo aan ka walwalsaneyn xanuunka faraha ba'an ku haya adduunka.

Dowladda dalka Belarus, ma aysan soo rogin wax tallaabo ah oo looga hortagayo xanuunka, waxaana uu qaaday wado ka duwan tallaabooyiinka ay qaadeen dalalka deriska la ah sida Ruushka iyo Ukraine.

Dalka Ukraine oo xuduud ay wadaagaan waxaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah, dhanka Ruushka, waxaa la xiray dhammaan iskoollada, waxaana la baajiyay kulamada dadweynaha, sidoo kalena waxaa la hakiyay duullimaadyadii caalamiga ahaa; Laakiin dalka Belarus waxwalba waa cadi oo sidoodii ayay u socdaan.

Xuduudaha way furan yihiin, dadku sidii caadiga ahayd ayay u shaqo tagaan, waxbarashadana waa loo dareeraa, mana jirta wax cabsi oo laga qabo xanuunka.

'Waxba ha qalqalin!'

Madaxweynaha dalkaas Belarus, Alexander Lukashenko, ayaa sheegay in aysan jirin sabab loo sameeyo tallaabooyiin looga hortagayo faafidda xanuunka corona.

Madaxweynaha ayaa mar uu la kulmayay safiirka Shiinaha ee dalkaas u fadhiya wuxuu sheegay in waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in dadka aysan qalqalin.

Madaxweyne Lukashenko ayaa sheegay in cagacagafta ay daawo u tahay, hadalkaas oo uu ula jeeday in dedaalka beeraleyd uu yahay kan keliya ee lagu daweyn karo xanuunka, inkastoo aan la ogeyn suurtagalnimada arrintaas ayaa haddana waxay hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalkaas.

Dad badan oo u dhashay dalkaas ayaa ka walaacsan faafidda fayraska corona, sababtoo ah waxay ka war hayaan sida dalalka kale ee caalamka ay ula daalaa-dhacayaan.

Belarus ma aanay xirin shaneemooyinka, tiyaatarada, waxaan sidoo kale wali dalkaas ka socda horyaalka kubada cagta oo inbadan oo caalmaka laga joojiyay.

Balse gudaha dalkaas waxaa ka bilawday wacyigelin ku aadan xanuunka oo loo jeedinayo dadka, gaar ahaan dadka da'da ah.

Madaxweyne Lukashenko wuxuu marwalba ku celceliyaa in aysan jirin wax laga walwalo, maadaama sida uu sheegay la baarayo dhammaan dadka adduunka uga yimaada dalkiisa.

"Saddex iyo ilaa afar qof ayaa maalinkiiba laga helaan xanuunka, waana la karantiilaa, laba asbuuc kadibna waa la fasaxaa," ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in walwalka iyo dhibaatooyiinka maskaxda ee laga dhaxlayo arrintan ay tahay mid khatar ah oo ka daran fayraska, wuxuuna intaa raaciyay in uu ciidamada sirdoonka ku amray inay gacanta kusoo dhigaan dadka faafinaya xanuunka.

Belarus waxaa illaa iyo hadda lagu arkay 86 kiis oo fayraska corona ah, laba qofna way u dhinteen.

 

isha warkan .BBC

Category