Dacwaddii muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo dib loo dhigay

Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

War maanta kasoo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib u dhigista iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas.

Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista ee ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go'aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sanadka soo socda ee 2021-ka.

15-ka bisha March ee sanadka dambe ayaa si rasmi ah loo billaabi doonaa dacwaddan, sida ay maxkamaddu caddeysay.

Dhowr jeer oo hore dib loo dhigay kiiska, codsi ka yimid Kenya dartiis, hase ahaatee markan waxaa la sheegay in saameynta xanuunka Covid-19 ay qeyb ka tahay go'aanka dib u dhigista.

Dowladda Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay si weyn uga biyo diidsaneyd dib u dhigista dacwadda ayaa hadda sheegtay inay u hoggaansami doonto jadwalka cusub.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya guddiga dacwadda u qaabilsan dowladda Federaalka oo goor dhaweyd ay la xiriirtay BBC-da ayaa yiri: "Mar walba Soomaaliya dalabkeedu wuxuu ahaa inaan dib u dhigis kale lagu sameynin dacwadda laakiin hadda waxaan ku khasban nahay inaan ku qanacno go'aanka maxkamadda.

Jadwalka cusub ee dacwadda

Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood.

Isniin, 15 March, (10:00 am - 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm - 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad.

Arbaco, 17 March, ((10:00 am - 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

03:00 pm - 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad.

Khamiis, 18 March, (03:00 pm - 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad.

Jimce, 19 March, (03:00 pm - 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.

Soomaaliya waxay ka soo horjeedday dib u dhigis hor leh

Mas'uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay Kenya ku eedeeyay inay isku dayeyso dib u dhigis kale oo lagu sameeyo dacwadda muranka xadka badda ee u dhaxeeya labada waddan, taasoo hor taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

Kiiska ayaa markii hore qorshuhu ahaa inuu billowdo horaanta bisha June ee foodda nagu soo heysa.

Kenya ayaa dhankeeda codsi u dirsatay maxkamadda, si mar kale loo siiyo waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo, maadaama hadda uu dhibaato abuuray xanuunka safmarka ah ee Covid-19, kaasoo waxyaabo badan xannibay.

Waxay xukuumadda Nairobi codsigeeda sal uga dhigtay in cudurka coronavirus uu waxyeello gaarsiiyay dhaqaalaheeda iyo qorsheyaasheedii ku aaddanaa diyaarinta qareenno u dooda.

Soomaaliya ayaa kiiskan markii ugu horreysay u gudbisay maxkamadda sanadkii 2014-kii, iyadoo ka dacwooneysay Kenya.

Bishii September ee sanadkii 2019-kii ayaa la filayay inay dacwadda furanto, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid Kenya awgiis.

 

isha warka bbc

Category