Dawladda Turkiga Oo Mashruuc Kor –loogu Qaadayo Dalaga Beeraha  ka Fulinaysa Somaliland

Gabiley(RH)Hay’adda Horumarinta Kalmooyinka ee dalka Turkiga (TIKA) ayaa shaacisay inay Jamhuuriyadda Somaliland ka hirgelinayso mashaariic kor loogu qaadayo dhinaca Beeraha.

 

War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda Horumarinta Kaalmooyinka Turkiga Ayay ku sheegtay  inay  Somaliland ka fulinayso  mashruuc looga gol leeyahay kor u qaadista tayada iyo tirada dallagyada beeraha iyo xoolaha si looga gaashaanto  mustaqbalka  saameynta abaaraha.

 

Warku wuxuu intaas ku daray in Masuuliyiinta Hay’adda TIKA ay 100 xubnood oo ka mid ah Beeraleyda Khudrada ee Gabiley ku wareejiyeen  40 kiilo oo ah siidhka Tamaandhada, basbaaska iyo  sunta cayayaanka iyo bacrimiyeyaasha beeraha.

 

Isku-duwaha Hay’adda TIKA u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Galip Yılmaz ayaa sheegay inuu  beeralayda u rajaynayo in wax-soosaarkoodu noqdo mid waxtar leh oo ay ka faa’iidaystaan taageerada Turkiga.

 

Masuulkaa ka socday Hay’addaas Turkiga ah ayaa balanqaaday in dawladiisu sii wadayso inay taageerto dadka reer Somaliland.

 

Hay’adda TIKA waxay xustay in wejiga labaad ee Mashruuca ay ku saacidayaan beeralayda Gabiley uu noqon doono inay si casri ah u tababari doonaan  beerlayda iyo inay siiyaan qalabkii u dambeeyey ee loo adeegasado beeraha.

 

Geesta kalena, Isku-duwaha Wasaaradda horumarinta Beeraha ee Gabiley Maxamed Maxamuud ayaa Hay’adda TIKA uga mahadceliyey taageerada ay siinayaan beeraleyda gobolkaas.

Category