Denishkii ugu horeeyay oo loo galliyey wadne dad samee ah.

RH: Sidan buu u eegyahay wadana hada loo galiyey qofkan Denishka, wadnahan ayaa loo bixiyey magaca Carmat.

” Kubad laguma ciyaari karo ,laakiin  waa lagu lugeyn karaa baaskiilna waa lagu wadi karaa ayuu yidhi dhakhtarkii wadnaha ugaliyey bukaanka”

Waa markii ugu horeysay ee taariikhda qof denish ah loo galiyo wadne gabi ahaanba  baniiaadam sameeyey. Arintan ayaa dhacdey todobaadkii hore sida uu war saxaafadeed ku sheegyay  cisbitaalka qaliinkan sameeyay oo ah kan ugu weyn Denmark oo ku yaala caasimada Copenhagen.

Qaliinku waxa uu qaatey lix saacadood si wanaagsan baana loogu guuleystay sida uu sheegay Finn Gustafsson  oo ah dhakhtarsare iyo Profesor  ku takhasusey xanuunada wadnaha kudhaca iyo waliba badalida unugyada uurkujirta.

 

Wadnaha iyo bukaanka DK.

  • In kabadan kalabadh dadka ka wayn 55 jir waxaa haleela xanuunada wadnaha
  • Sannad kasta waxa ay xanuunadaasi haleelaan  64.600 denish ah.
  • Wadno xanuunku waa mid kamid ah xanuunada caadi ahaan dila dadka ku nool Denmark.
  • Sannad walba waxaa u dhinta  12.400 qof wadanka Denmark.
cdf

 

Bukaankii loo galiyey wadnahan xaaladiisu way wanaagsantahay waana talaabo loo qaadey dhanka horumarka caafimaadka ayuu sheegay Finn Gustafsson oo la hadlayey idaacada qaranka ee Denmark

Waa wadnihii ugu horeeyay dunida ee gabi ahaanba ku shaqeynaya baytari waxaanu sibuuxda uqaban karaa howshii uu wanuha caadiga ahi qaban jiray , wadnahan oo loogu wanqaley magaca Carmat waxaa sameysay warshada sameysa diyaarada Airbus ee dalka Faransiiska.

qofkan bukaanka ah ayaa noqon doona midkii 13 aad ee loo galliyo wadnahan macmalka ah , iyada oo ay Denmak na noqondooto dalkii ugu horeeyay skandanavianka iyo midkii  saddexaad ee dunida isticmaala fasamadan cusub ee  caafimaad .

Hada laga bilaabo dadkii sugayey in wadnaha laga badalo way kabixi doonaan warwarkii waxaana loo gallindoonaa Carmet oo u badlidoona wadnahoodii bukoodey.

 

Category