Denmark.: 24 qof ayay geeridu mareysaa halka 254 kalena Cisbitaalada ay u jiifaan Coronavirus

Waxaa ku kordhey 22 qof tan iyo shaley  55 kamid ah xaaladoodu way liidataa.

Shaley tiradu waxa ay aheyd 232, taas oo 46 kamid ah ay xaaladoodu liidatey 

Isugeyn waa 1.450 dadka uu xanuunkani soo gaadhey taas oo ah tiro kabadan 55 qof intii shaley.

Geerida ayaa iyana kor u kacdey waxaaney maanta mareysaa 24 qof .

Goobaha dadkan la kala dhigey 

Waxaa loo qeybiyey 5ta waaxood ee dalka 17 waxaa la dhigey  Nordjylland, 28  Midtjylland, 29  Syddanmark, 49 i Sjælland iyo 131  la dhigey caasimada Kobenhagen.

Shaley waxey sheegtay hay'ada agaasinka caafimaadku in ay heshey qalab cusub oo lagu baadhidoono dad intii hore aad uga badan .

Taladan waxaa soo jeedisay hayada caafimaadka dunida ee WHO oo sheegtay in baadhitaanku uu yahay hab aad uga caawinaya dalalka in ay dajiyaan tirada dadka uu ku fidayo COVI-19.

Markii hore Denmark waxay ku dhaqmeysay hab ah in la baadho kaliya qofka lagu arko calaamadaha xanuunka, hada se taas waa la badalayaa , dad aad ubadan ayaana la baadhi doonaa maalinkasta.

Maxaa kale ee cusub.

Shir jaraaid oo ay maanta qabatey raisal wasaarada wadanka Denmark Mette Frederiksen  ayey ku sheegtey in la kordhiyey xilligii hore ee loo qabtey in uu dalku xidhnaado taas oo aheyd 31.03.20 waxaana hada ay go'aamisey in uu dalku sii xidhnaado tan iyo 13.April.2020.

 

wixii warar ah ee ku saabsan xaalada wadanka Denmark kala soco markasta Radio Hormuud 

 

Category