Denmark: Degmooyin lacag ku bixinaya si ay shaqo laawaha iyo dembiilaha xaafadaha qaar uga raraan.

RH. Kolding: Sida laga yaabo in aad wararkayagii hore kula socoteen Xaafadaha ku sifoobey getto ama isku raran ee shaqo laawaha iyo dambiilayaashu ku badan yihiin oo ay  Dawladii hore ee Denmark ansixisay in la dumiyo qaarkoodna loo dhalanrogo guryo waayeel iyo dhallinyaro.

Hada waxaa intaas kadib bilaabmey in degmooyin dhawr ah oo kuyaala Denmark sida Arhus  iyo Odensa ay bilaabeen in loo balan qaado dhaqaale hadii ay dadkaasi si xor ah uga guuraan xaafadahaas. 

Waxyaabaha loo balan qaadey waxaa kamid ah in  14 maalmood kiradood laga bixiyo guriga cusub ee ay u guuridoonaan iyo in 15.000 karoone  lasiiyo si ay  qarashka guuritaanka ugu bixiyaan.

15 qoys oo helay isu geyn nus milyan karoon si ay xaafada uga guuraan.

Sharciga Gettoda ayaa xaafado badan ku khasbey in ay abaal marin u balan qaadaan dambiilayaasha  si ay xaafadooda uga raraan ugana baaqsadaan  dumin, taasi waxay keentay in 15 qoys midkiiba la siiyo 38,000 karoone

Xaafada hadaba nidaamkan sameysay  ayaa lagu magacaabaa Skovgårdsparken kuna taala galbeedka degmada Aarhus ee wadanka Denmark, lacagta ayaa lagu magacaabey taakuleynta guuritaanka waxaanu dhaqaalihii la qeybiyey isku noqdey  570,000 karoon.

”Waxa la moodaa marka la maqlo lacag aad ubadan laakiin maxaa kale ee aanu sameyn laheyn si aanu xaafada u badbaadino, waxaan u arkaa in aanu talaabadii ugu habooneyd qaadney faaiido kabadan lacagtaanu bixineyna dib u helnay ayuu  kutiraabey Keld Laursen madaxa Brabrand boligforening”

Xeeladan ayey hada rabaan in ay adeegsadaan degmooyin kale waxaase durba bilaamney dood uu furey  xisbiyada DF oo uu ku sheegey in aaney  mahabooneyn in dambiile ama mashaqeyste dhaqaale lagu abaal mariyo.

 

Waxaa diyaariyey

Mohamed-amin Siyad Abdi

 

Category