Denmark: Ganaaxa darawalada telefoonkooda ku mashquula oo aad loo kordhiyey

RH Kolding: Barigii hore kaarka liisanka qofka lagama daloolinjirin hadii lagu qabto isaga oo talefoonkiisa ku foorara balse . 10-kii Sebtember 2019, sharciyo cusub oo adag ayaa dhaqan galay,

Si hadaba darawallada baabuurta ee talefoonkooda ku mashquula xilliga ay baabuurka wadaan loo xanuujiyo  ayaa  maalintaas laga bilaabo waxa ciqaabta laga dhigay liisanka oo laga dalooliyo , ganaax dhan 1,500 kr iyo waliba khidmad looga qaado Sanduuqa Dhibbanaha taas oo dhan  500 koron.

 Laga soo bilaabo Sebtember 10, 2019 illaa sanadka cusub, 205 qof ayaa waxaa lagu ganaaxay inay eegayeen moobaylkooda iyaga oo dhaadhiga wada. Guud ahaan, 831 ayaa sidaas ku noqday dhibane xeerarka adag.

Jesper Engelund oo ah sarkaal booliis ah ayaa sharraxaya in aanay ahayn bilayska oo keli ah diiradda haysa wadaha xeerka jabinaya  balse dadweynuha laftoodu lasoo xidhiidhaan hadii ay arkaan  qof isaga oo gaadhi wada  mobilekiisa ama wax lamid ah ku mashquulsan tusaale ahaan goobaha iskuulada ka agdhow ama qofka oo ka dhaqaaqi waayey laydha cas ee baabuurtu kataagnaayeen maadaama oo uu telefoonkiisa ku mashquulsanaa ,amaba wadde wadada dhexdeeda udhaqmaya qaab aan habooneyn ayuu yidhi.

Category