Denmark: Liisan Elektronik ah dhawaan soo bixidoona.

RH.Kolding: Waxaa dhawaan la rajeynyaa in dadka haysta Liisamada Denmark loo suurto galiyo Liisan Elektroonik ah oo ay mobile koodu ku soo dajisan karaan, hawsan ayaa ay hayada Digitaliseringsstyrelsen u xilsaartey soo saaridiisa Visma Consulting oo kaashaneysa wasaarada gaadiidka iyo taliska booliiskta waaxda gaadiidka.

Liisankan Digitalka ayaa yeelan doona laba faaiido oo kala ah.

1- Kaadh aqoonsi  

2- Liisan (in aad tahay wade sharciyeysan)

Talaabadan ayaa ka mid ah talaabooyin is dabajooga oo Denmark laga hirgaliyey 5tii sanno ee u dambeysay, taas oo la doonayo in sistemka dalka loo badalo Digital ama Elektroonik halkii waraaqo iyo kaadhadh laga isticmaali jiray, hada waxa aynu ognahey in dalka loo sameeyay NemID kaas oo ay tahay in uu qofwalba haysto si uu fure ugu noqdo istcimaalka sistemka waxaana hada dhamaan waraaqaha dawlada kaaga imanaya aad ku heli kartaa e-Boks , Acountkaaga bangiga waxaad kala soconkartaa Mobilbank , hadana waxaa jidka ku soo jira in Liisanka lagu soo daro nidaamkaas.

 Isku soo wada duub oo dunidu waxa ay ku socotaa in wax walba Mobilkaaga laguu soo dhex mariyo.

Liisanka cusub ee digitalka ah , waxaa shuruud u ah in aad marka hore liisan leedahay , waxaanu ku shaqeynayaa gudaha Denamark oo kaliya oo aqoonsi ahaan looma isticmaali karo hadii aad dalka ka baxdo.

 

Waxaa diyaariyey

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category