Denmark: Nin Soomaaliya oo lagu xukumey xadhig iyo Mastaafur.

RH. Denmark: Ninkan oo da’diisu tahey 22 sanno ,magaciisa la yidhaa Mohammed Liban Omar  ayaa dhamaan xaakimadii maxkamada sare qeybteeda magaalada Esbjerg ( esbiya) isku raaceen  xukunkiisa oo noqdey afar sanno iyo badh iyo waliba in laga mastaafuriyo dalka Denmark marka uu xukunka dhameysto.

Ninkan ayaa dambiga uu galey lagu sheegay in uu rasaas ku furey mooto mareysay wadada Stengårdsvej ( Istiinisgoo )bishii Septembar 2017 kii waxaana la sheegay in uu ka tirsanaa kooxo baando ah, xukunkan waxaa loo cuskadey sharci dhawaan la ansixiyey oo adkeynaya ciqaabta la marinkaro dadka haysta hubka sharcidarada ah.

Waxa isagana xukun xadhig ah oo kaas la mid ah lagu ridey saaxiibkii oo lagu magacaabo Ali Taleb oo 23 jir ah, laakiin Ali wuu ka badbaadey mastaafurka waxaase uu dhameysan doonaa 4 sanno iyo badh xadhig ah.

Maxamed Liban ayaa ku noolaa wadanka Denmark mudo 12 sanadood ah isaga oo markaas uu yimid la socdey waaallidkii oo hada ku nool Denmark.

Xukunkan ay maxkamada sare ridey ayaa ah kii u dambeeyay isla markaasina aan laheyn  wax  ambiil ah.

 

isha warka. jv.dk

tarjumaada. Mohamed-Amin

Category