Denmark. Ninkii sida cunsurinimada leh qoyska u aflagaadeeyey oo raaligalin bixiyey

RH. Kolding: Todobaadkan  waxaa baraha bulshada iyo saxaafadaba qabsadey dood ku saabsan heerka cunsuriyada ee wadanka Denmark,

Doodan ayaa bilaabantay kadib kolkii baraha bulshada la soo dhigay odey denish ah oo ku qeylinaya oo caayaya qoyska kooban laba caruura iyo waalindkood oo taagnaa markaasi xeebta Kastrup ee caasimada Denmark ee kobenhagen ,

Odeygan oo lagu magacaabo Lars oo da’aha 55 meelahaas ah, ayaa hada raaligalin siiyey qoyskii uu caayey isaga oo ku andacooday in uu sakhraansanaa xilliga uu qoyskaas aflagaadeynayey.

 Hooyada qoyska oo lagu magacaabo Kodes Hamdi isla markaasina ah macallimad iskuul xijaaban , kana soo jeeda dalka Tunisia ayaa mobilekeeda ku duubeysay markuu uu cayda iyo handadaada isugu darayey iyada ayaana soo dhigtey Facebook arinka ,

Waxaa ka falceliyey markiiba 13.000 , waxaa ka faaloodey 5400 qof, waxaana muuqaalkii lasii qeybiyey 13.500 jeer.

Ilaa ay raisal wasaarada Denmark ka hadasho oo ay wax aan la ogolaankarin.

Hada odeygii wuxuu ku tiraabey , waan fahmi karaa sababta ay bushada dalku u taageertay qoyskan ,waan ka qoomamoonayaa wixii aan sameeyey , maney aheyn in aan dada an waxba ii geysan sidaas ula dhaqmo.

DAAWO MUUQAALKII

https://nyheder.tv2.dk/samfund/2021-05-24-video-deles-igen-og-igen-familie-overfuset-paa-aaben-gade-paa-grund-af-deres

 

xuquuda sawirka TV2 

Category