Denmark: Qofkii 4 aad ayaa laga helay xanuunka Carona Virus waxaana la karantinimeeyay tiro dad ah

RH: Wadanka Denmarka ayaa ka mid noqdey dalalka uu soo gaadhey xanuunka dunida faraha baas ku haya ee CV19, ilaa hada afar qof ayaa la xaqiijiyey in uu xanuunkaasi haleelay  kuwaas oo ay hada la tacaalayaan  laamaha caafimaadku .

waxaas sidoo kale la karantinimeeyey 122 qof oo caafimaadqaba kuwaas oo 108 kamid ahi ay si uun xidhiidh ula yeesheen 4 taas qof ee xanuunku haleelay .

 

Astaamaha lagu garto xanuunkan

  1. Xumad
  2. Qufac
  3. Qaadashada neefta oo ku dhibaysa
  4. Calool xanuun iyo shuban

 

Hadii aan hore lagaaga daweynin waxa uu markiiba dhaawac gaadhsiinayaa sambabada, wadnaha iyo Kelyaha

xanuunkani wali talaal malaha waase la daweyn karaa.

 

Ka hortaga 

  1. Si joogto ah ugu faraxalo biyo iyo saabuun
  2. Si aad ah u kari hilibka iyo digaaga iyo beeka/ Ukunta
  3. Marka aad qufaceyso ku dabool afka iyo sanka masar ama softi ama cududa adigoo suxulkaaga laabaya
  4. Hadaad yeelato xumad ama qufac ha tagin meelaha dadku ku badanyahay sida sariibada iyo dugsiyada. waxaanad ka wacdaa gurigaaga adigoo jooga dhakhtarka.
  5. Hadaad qof salaamayso waxaa haboon in aad iska deyso salaanta gacan qaadka .

Waxaa diyaariyey

Mohamed-amin Siyad Abdi

 

Wixii faalo ah noogu reeb qeybta hoose

Category