Denmark. Sharci cusub

RH: Waxaa dhawaan wadanka Denmark la meelmariyey sharci badaley da’da caruurta lagu anshaxmarinkaro kaas oo ka dhigan in laga bilaabo hada la anshaxmarin doono hadii ay dambi galaan caruurtu laga bilaabo da’da 10 sanno hakii ay markii hore ka aheyd 14 sanno.

 

Waxa kale oo wax laga badaley mudada dacwad oogida iyo mudada xukunka . taas oo lagu soo gaabiyey 21 maalmood hakii ay markii hore ka aheyd 4 billood.

 

Qaabka loo soo oogayo dacwada ayaa noqondoonta in mudo todobaad guheed ah ay wada xidhiidhi doonaan Booliiska, Dawlada hoose qeybta arimaha bulshada iyo iskuulka ilmuhu dhigto, si loo jaangooyo in dambiga uu ilmu galay yahey mid maxkamad lagu geyn karo iyo in uu yahay mid aan u baahneyn.

 

Sharcigan cusub oo la yidhaahdo §58 waxaa waadixisay Rekke iyo Bruno oo ka tirsan talliska dhexe ee booliiska koofurgalbeed Denmark ( Sydøst Jyland Politi) mar ay lahadalayeen khamiistii todobaadkii hore la hadlayeen shirka sannadlaha ah ee   SSP oo ka dhacey KUC  Kolding halkaas oo ay  Radio Hormuudna goobjoog ku aheyd.

 

Waxaa iyaduna dhanka sharciyada sii faahfaahisay  sharci yaqaan sare oo ka tirsan jaamacada Arhus .

 

 

Dambiyada caruurtu galli karaan ee lagu maxkamadeynkaro ayaa noqon kara.

 

  1. Hanjabaad
  2. Dagaal gacan ka hadal ah.
  3. Dukaan uu la xado
  4. In uu waxyeeleeyo hantida gaar ah iyo ta dadwynaha.
  5. Filim ama sawir shacidaro ah oo uu sii qeybiyey
  6. Dambi kalkaal . in uu taageeray dambi lasameynayey.

 

 

Hadii uu kiisku yahay mid maxkamadeed , marka hore maxkamad ayaa la marinayaa oo xukun ridaysa , kadibna waxaa loo gudbinayaa in ay qaabka anshacmarinta asteeyaan gudi dhexdhexaad ah oo kakooban 6 xubnood oo dhawaan la sameeyay.

 

Wixii faah faahin ah kala soo xidhiidh  dawlada hoose qeybta dhallinyarada iyo caruurta ama qeybta qoysaska.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Category