RH. Kolding: Hada laga bilaabo ganaax kalliya lagugu xanuujinmaayo hadii aad gacanta kuhaysato Telefoon adigoo gaadhi wada, balse waxaa laguu raacindoonaa in Liisanka lagaa dalooliyo.
Xeerka cusub ayaa odhanaya hadii lagugu qabto adiga oo baabuur wada islamarkaana gacanta kuhaya telefoon in lagugu ganaaxi doono 1500 kr oo lagu daray 500 kr xisaabtaas oo u dhiganta ilaa 300 $ iyo waliba liisanka oo lagaa dalooliyo.
Waxaan sidoo kale aan la ogoleyn in aad gacanta kuhayso wax telefoon u dhigma oo ku mashquuliya sida GPS ama IPAD.
Sharcigani maanta ayuu dhaqan galay ganaaxii ugu horeeyayna waxaa la bixiyay saaka 07:00 subaxnimo. Iyada oo la isugu daray wadaha gaadhigaas ganaax culus oo ah 2000 kr iyo waliba liisankii oo laga dalooliyey, hadii saddex dallool kudhaco liisankaaga waad wuu ku daayey oo waa lagaa qaadayaa waana in aad iskuul dambe dib ugashaa si aad u soo qaadato liisan cusub, sida caadiga ah liisanka ayaa lagu qaataa wadanka Denmark qiime lacageed oo u dhigma 3 - 4 kun oo doollar.
Diyaarinta: Maxamed-amin Siyaad Cabdi