Dhallinyaradii ku dhimatey qarixii xalay kadhacey magaalada Muqdisho

Dhallinyaradii xalay ku geeriyootay qaraxii maqaayadda Gelato Devino ayaa Lagu aasay xabaalaha isbitaalka xoogga ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dhawaqa qaraxaasi si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Muqdisho ee gobolka Banadir. Qaraxan ayaa waxaa dadka ku dhintay u badan dhallinyaro qaarkood u shaqeynayay dowladda fedaraalka ee Soomaaliya.

Hadaba waa kuwan magacyada qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarka.

Bishaar Cabdi-Qaadir Maxamed

Bishaar Cabdi qadir Maxamed ayaa waxaa uu ka mid ahaa shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Waxaa la sheegay in uu Muqdisho safar ahaan u yimid isaga oo ka soo laabtay magalaada Addis aabab.

Waxaa uu Bishaar ahaa nin dhalinyaro ah oo shahaadada kowaad ee Jaamacadda ka qaaday jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho.

Cabdi Rashiid Tataa

Cabdi Rashiid Tataa waxaa sida ugu qoran bartii uu Facebook ku lahaa uu ka shaqeynayay shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud. Waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa dhallinyaradii ka baxday Jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho.

Dadka aqoonta u lahaa waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin dhallinyaro ah oo aad u firfircoon.

Cabdulahi Cabdi Jaamac

Alle ha u naxariistee Cabdulahi Cabdi Jaamac ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhalinyarada magaalada Muqdisho.

Cabdulahi wax shaqo dowladeed ama hey'adeed ma heynin, waxaana uu kamid ahaa dhalinyarada sida iskood ah isaga shaqeysta.

Alle ha u naxarstee Cabdulahi Cabdi jaamac waxaa uu ka mid ahaa dhalinyaradii ka qallin jabisay jaamacadda Ummadda ee magaalada Muqdisho.

 

Sultan Cabdulahi Cali

Sultan Cabdulahi Cali waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay qarixii xalay ka dhacay maqaaxada Gelato Divino ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu wiil dhalinyaro ah oo muddo dheer ku noolaa magaalada Nairobi, islamarkana waxaa uu muddooyiinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Cali Yare

Cali Yare oo aanan wax muuqaal laga heynin waxaa uu ahaa ku xigeenka xafiiska dal ku galka laga bixiya ee Muqdisho.

Maxay aheyd maqaayada uu weerarka ka dhcay ee Gelato Devino?

Maqaaxida Gelato Devino ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga furay bishii Agoost ee sanadii 2019-ka.

Maqaayadda Gelato Devino waa mid lagu sameeyo jallaatada noocyadeeda kala duwan, gaar ahaan nooca dalka Talyaaniga aadka looga isticmaalo. Waxaa sidoo kale goobtani lagu iibiyaa cabitaano kale.

Qaabka looga fal-celiyay.

Tan iyo markii uu qaraxa dhacay, waxaa baraha bulshada qabsaday sawirada dhallinyaradani lagu laayay weerarka maqaaxida.

Waxaa sidoo kale falkaasi ka tacsiiyeeyay qaar ka mid ah siyaasiyinta iyo madaxda dalka, waxaana dadkaas kamid ah madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in ay tahay wax laga murugoodo.

"Waxaan u tacsiyeynayaa ummadda Soomaaliyeed & eheladii ay ka baxeen muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxii Gelato Divino, dhaawacana waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah, Waa habeen kale oo murugo badan oo aan weynay dhallinyaro indho u ahaa ummaddeenna. Waa waajib ina wada saaran inaan u midowno ka hortagga cadowga si aan ummaddeenna uga badbaadino," ayuu sidaas ku qoray bartiisa Facebooka-ga.

Raii'sul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka "argagixisada".

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la beegsadeen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada si aan dalkeenna iyo dadkeenna uga badbaadinno," ayuu yiri mr Rooble.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa cambaareeyay weerarka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

"Waxaan cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku weerareen maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dhalinyaro mustaqbalka dalkeenna muhiim u ahaa, ayuu yiri Sheek Shariif.

"Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska Marxuumiinta naga baxay Allaha u naxariistee, anigoo dhaawacyadana Alle uga rajeynayo caafimaad degdeg ah, ayuu intaa ku daray.

Weerarka ka dhacay maqaaxida ayaa la sheegay in uu fuliyay qof isku soo rakibay waxyaabaha qarxa.

 

xigasho. BBC

Category