Dhismaha Dekadd Qalalan Oo Laga Dhagax-Dhigay Deegaanka Gambadha Ee Gobolka Sool

Gambadha(RH)Maareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xassan C/laahi, ayaa  dhagax dhigay dhismaha dekad qalalan oo laga dhisi doono degaanka Gambadha ee gobolka Sool.

Waxaana maareeyaha dhagax dhigaasi ku wehelinayay badhasaabka Sool, maayarka Laascaanood iyo masuuliyiin kale.

Munaasibadii dhagax dhiga waxa kaloo joogay madax dhaqameed, odayaal, cuqaal iyo waxgaradka degaanka Gambadha. Dhulkaasi oo bedkiisu dhan yahay 300 oo mitir waxaa bixiyay dadka degaanka Gambadha.

Maareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan C/laahi, ayaa sheegay in dekadan qalalan ee laga dhagax dhigay Gambadha ay noqon doonto mid quudisa dalalka la deriska ah Somaliland iyo dalka gudihiisaba.

“Somaliland laba dekadood oo qalalan ayay yeelanaysaa. Mid Wajaale ku yaalla, iyo tan maanta (shalay) Gambadha laga dhagax dhigay. Si ay quudiso wadamadda aynu jaarka nahay iyo guud ahaan dalkeenaba.

Dekadda weyn ee Berbera, dhismaheedii imika wuu dhamaanayaa. Waxaanay u baahanaysaa habab kale oo u sii gudbiya, wadamadda jaarka aynu nahay iyo waxa aynu dalkeena uga baahan nahayba”.

“Goobtani, waa goob muhiim u ah dhaqaalaha dalka Somaliland. Daraasad dheer markii aanu samaynay, Gambadha waxay noqotay goobta ku haboon, in laga fuliyo mashruucan. Kaasoo soo kordhin doona shaqaale, iyo dhaqaale-ba.

Waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba u mahad celinayaa dhamaanba bulshadda gobolka Sool, sida karaamadda leh, ee ay noo soo dhaweeyeen” ayuu yidhi maareeyaha dekadda Somaliland.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ugu bushaareeyay bulshadda gobolka Sool in dekadii a mudadda dheer raadinayeen ay hadda heleen.

Waxaanu yidhi, “Beryahan danbe, maalinba maalinta ka danbaysa talaabo horumar ayaynu sii qaadaynay. In badan ayaynu dekad raadinaynay, laakiin maanta ayaynu helnay dekadii. Waana wax ILLAAHAY SWT loogu mahad naqo, waana wax la soo dhaweeyo”.

Maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dekadan qalalan laga dhagax dhigo gobolka Sool.

Waxaanu yidhi, “Waxaa farxad weyn noo ah in maanta (shalay) halkan laga dhagax dhigo dekadda qalalan. Iyadoo dhulkan ay bixiyeen dadka degaanku. Waxaanay tani horu-kac u noqonaysaa in magaaladda Laascaanood ay noqoto xarun ganacsiyeed.

Markaa waxaan leeyahay reer Laascaanoodow, ku bushaaraysta magaallo ganacsiyeed ayaynu noqonay”.

Geesta kale qaar ka mid injiineeradda khubaradda ku ah dhismeyaasha dekadaha oo halkaas joogay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dekadan qalalan ee laga dhisayo degaanka Gambadha.

Waxaanay sheegeen in Alaabtii dekadda Berbera tiilay in Berbera laga soo qaadayo, iyadoon la cashuurin. Kadibna la gaynayo dekadan qalalan ee Gambadha laga dhagax dhigay.

Halkaasoo sidoo kale laga dhisi doono kastamkii cashuuraha, guriyihii shaqaalaha kastamka iyo kuwa kale ee dekadda u joogi doona. Halkaas ayaana lagu cashuuri doonaa, lagu na iibsin doonaa, kadibna ganacsatadu ay kala sii baxayso.

Dhulka laga dhisayo dekadan qalalan ayaa cabirkiisu yahay 300 oo mitir oo isku wareeg ah. Dhulkaasoo ay bixiyeen dadka degaanka Gambadha.

Dhinaca kale qaar ka mida madax dhaqameedka degaanka Gambadha oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dhismaha dekadan qalalan ee degaankoodda laga dhisayo.

Waxaanay balan qaadeen in xataa haddii dhul intaa ka badan loo baahdo ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan.

Iyagoo cadeeyay bulsho ahaan in ay aad ugu qanacsan yihiin mashruucan weyn ee wax qabad ee ay xukuumadda Somaliland ka hirgelisay degaankoodda.

 

Category