Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Horumarinta Beeraha Oo lagu Qabta Hargeysa

Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane, Axmed Muumin Seed, agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Dr. Axmed Cali Maax, iyo agaasime-waaxeedyada beeraha, ayaa ka qayb-galay dood cilmiyeed ku saabsan horumarinta beeraha.

Dood-cilmiyeedkan oo dhex maray ardayda jaamacadda Gollis ee ku hawlan barashada cilmiga beeraha iyo masuuliyiinta wasaaradda horumarinta beeraha ayaa waxa la isku waydaarsaday aragtiyo ku arooraya horumar laga gaadho wax soo-saarka.

Bilowgii dooddan waxa hadallo ka soo jeediyey wasiirka wasaaradda beeraha md. Axmed muumin seed, waxaanu ardayda ku amaanay dedaalka ay ugu jiraan barashada aqoonta beeraha, isagoo xusay inay wasaarad ahaan u baahan yihiin aqoontooda “Wasaarad ahaan waxaanu u baahan nahay aqoontiina , taladiina iyo wada tashiga aad noogu yeedheen, wasaaradda beeruhu waxa ay u igman tahay wax soo saarka beeraha , anaga oo ta aka duulayna qaabka aan imika u soconaa waa bilow”

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu inta ku daray  “Waxa aanu rajaynayaa sannadaha soo socda in aanu halkaa uga sii dhawaano, wasaarad ahaan dadaalkayga ma xuma waxa aanu wadnaa in aanu baahida dalka qayb daboolno “ ayuu yidhi,

 

Ku xigeenka Madaxweynaha jaamacada Gollis ,Xasan Cabdi Cabdilaahi ayaa wasiirka ku bogaadiyey dedaalka uu ugu jiro sidii wax soo saarka Somaliland meel Fiican u gaadhi lahaa “ Wasiir Axmed Muumin Seed waxa uu wax soo saarka Somaliland gaadhsiiyey meel aanay muddo lixdan sanno ah gaadhin , lixdan sanno kamu soo go’in wax soo saarka Somaliland kasoo go’ay sannadkan , waana mid ay Somaliland oo dhan arkayso “ayuu yidhi

 

Intii ay doodaasi socotay ayey ardayda barata Culimiinta beerahu su’aalo ku waydiyeen Wasiirka iyo madaxda kale ee Wasaaradda beeraha oo dhammaan si habsami uga wada jawaabay

 

Category