Dowladda Itoobiya oo howgallo ka billowday Kilinka Amxaarada

Addis Ababa (RH)-Dowladda Itoobiya ayaa howlgallo ka billowday gobalka Amxaarada oo uu ka dhacay saacadihii la soo dhaafay afgambi fashilmay isla markaana la dilay madaweynihii gobalkaas iyo saraakiil kale.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay howgalladan in lagu soo qabqabanayo kooxii ka dambeeyay dilka taliyihii ciidanka difaaca oo askari ilaalo u ahaa uu ku toogtay magaalada Addis Ababaiyo madaxweynaha Kilinka Amxaarada.

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya oo xiran dharka ciidamada ayaa habeenkii xaley talefishanka qaranka ka sheegay in dowladiisa ay fashilisay afgami ka dhici lahaa gobalka ku yaalla bannaanka caasimadda Addis Ababa.

Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ayaa soo saartay digniin ku saabsan in rasaas laga maqlayo caasimadda, sidoo kale saddex qof oo goob-joogayaal ah oo diiday magacooda in la soo xigtay sababo la xiriira cabsi ay qabaan ayaa sheegay in ay maqlayaan rasaas ka dhaceysa caasimadda Addis Ababa.

Dowladda waxa ay xirtay qadka Internetka, waxaana aan la ogeyn waxa hadda ka socda dalka Itoobiya.

Dalkan ku yaalla geeska Afrika ayaa sameeyay horumar wixii ka dambeeyay sannadkii horre xilligaas oo xilka uu qabtay Abiye Axmed, waxaana uu sii daayay maxaabiis badan oo arrimo siyaasad u xirnaa, waxa uu xiray saraakiil horre oo lagu eedeeyay tacadiyo ka dhacay dalka.

Gobalka Amxaarada waxa uu ka mid yahay sagaalka gobal ee ku yaalla dalka Itoobiya.

Kilinka Amxaarada waa gobalka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya.

Dalka waxaa ku nool 100 milyan oo qof

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category