Dowladda Soomaaliya oo dhaqangalineysa Manhaj cusub oo waxbarasho

Muqdisho (RH)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la dhaqangalin doono manhajka cusub ee waxbashada dalka.

Wwasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa qoraal maanta ka soo baxay lagu sheegay in wasaaraddu ay dhawaan dhaqangalin doonto Manhajka Waxbarashada Dalka oo dhan.

Qoraalka ayaa lagu yiri dhammaan bahwadaagta waxbarshada Dugisyada iyo Dalladaha ka jira waa in ay u diyaargaroobaan hirgelinta Manhajka Qaranka ee Fasallada 1-aad illaa 8-aad oo ah manhajka cusub ee Soomaaliya.

Dugsiyada iyo bahda waxbarshada Dalka ayaa la faray in laga billaabo Bisha Agoosto, Sanad Dugsiyeedka 2019/2020-ka ay waajib tahay in la qaato Manhajka Qaranka, kaas oo laga hirgelinayo Dugsiyada Dalka oo idil.

Wasiirka ayaa qoraalkankan kasoo baxay Xafiiskiisa ku sheegay in Wasaaraddu ay samayn doonto tababarro Macallinnimo, kormeer iyo daba gal joogto ah oo ay ugu kuurgalayso cidda fulineysa dhaqan gelinta Manhajkan iyo kuwa aan fulin.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalkan in ciddii aan hirgalin manhajka cusub wasaaraddu ay ka ka qaadi doonto tallaabbo sharci ah oo ay ka mid noqon karto in lagala laabto aqoonsiga, Dugsigooda.


Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category