Dowladda Soomaaliya oo garab istaagtay Suduuiga

Muqdisho (RH)- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay taageero u fidineyso dowladda Sucuudiga, iyadoo sheegtay in ay ku garab istaageyso ilaalinta danaheeda dhaqaale.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagu yiri dowladda Soomaaliya waxa ay soo cusbooneesiineysaa mowqifkeeda aan kalabo labeenta ahayn oo ay ku taageereyso qarannimada iyo xasilloonida dowladaha Carabta.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sheegeyso in ay si buuxda u garab taagan tahay dalka Sucuudiga ee aan walaalaha nahay.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay is garabtaageyso cid kasta oo wax u dhinta Sucuudiga danaheeda dhaqaale iyo xasillooni.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay adkeeneyso in laga fogaado dhagarta iyo olaha u jeedeesan ee lagu beegsanayo Sucuudiga, waa sida hadalka u qornaa.

Qoraalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo uu tagey Sucuudiga halkaasoo uu kula kulmay boqorka Sucuudiga iyo dhaxal sugaha dalkaas.

Sucuudiga ayaa hadda waxaa heesta culeys diplomaasi kaddib markii labadii bishan la waayey weriye Sucuudiga u dhashay oo tagey qunsuliyada Sucuudiga ee magaalada Istanbul.

Radio Hormuud

Studio3

Mogadishu Somalia

Category