Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gaartay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiis la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sanno ku dhaw dalka ka maqnaa kuwaasoo dalka isaga tegay arrimo amni.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo la hadlayay Wakaaladda wararka Ssoomaaliya ee SONNA ayaa u sheegay in wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil,kuwaasoo hadda aqbalay in ay bixiyaan dhammaan xuquuqihii lagu lahaa oo ay ka mid yihiin qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka.

“Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa  jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka leh shidaal balse illaa hadda lagama soo saarin wax shidaal ah, waxaana heesta caqabado badan oo ay ka mid tahay ammaanka oo liita.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category