Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday natiijada imtixaanaadka dugsiga sare

Muqdisho (RH)-Natiijo laa yaab leh ayaa ka soo baxday imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee dowladda federaalka Soomaaliya qaaday sannadkan, kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdillaahi Goodax Barre oo Telefishanka dowladda kala hadlayey ardayda iyo dadweynaha ayaa ku dhawaaqay natiikada waxaana uu sheegay in ku dhawaad 7kun oo arday ay ku dhaceen imtixaanka dowladda ay qaaday oo ay u fadhiisteen 29kun oo arday.

"Waxaa guud ahaan imtixaanka u fadhiistay sannadkan 29,434 arday, waxaa gudubtey imtixaanka 22,499 arday oo u dhiganta 77%, waxaa haray oo aan gudbin tiro dhan 6,937 oo arday oo u dhigan 23%" ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in 10-ka arday ee kaalmaha horre galay imtixaanka ay heli doonaan deeq waxbarasho oo qaali ah.

Waxa uu sheegay oo kale in ardayda imtixaanka haray ay gaarayaan 23% ardayda gashay

Natiijadana ayaa ka dhigan markii ugu horreysay oo arday intaas le eg ay haraan tan iyo markii uu billowday qaadista imtixaanka mideysan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Imtixaankan oo la qaaday bishii May ee sannadkan ayaa waxaa uu ka dhacay goballada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category