Faaduma Nakruuma oo Muqdisho ku geeriyootay

Muqdisho (RH)-Allaha u naxariistee, waxaa maanta Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku geeriyootay Faaduma Cali Cilmi (Nakruuma) oo ka mid ahayd fannaaniintii caanka ahayd ee Soomaaliya.

Fannaanada ayaa la sheegay in ay u dhimatay xanuunka safmarka ah ee COVID 19  oo dalka hadda ku soo laba kacleeyay, waxaana labadii cisho looga daweenayay xanuunka isbitaalka Mariini, sida uu saxaafadda u sheegay Maxamed Barrow oo ka mid ah madaxda kooxda fannaaniinta hoballada Waaberi.

Nakruuma ayaa ka mid ahayd fannaaniintii lagu aasaasay hoballada Waaberi, iyado Allaha u naxariisteen Xaliima Khaliif Magool.

Waxaana dadka yaqaanna ay sheegayaa in fanka ay soo gashay sannadkii 1964-tii, iyadoo ay ka qeybgashay riwaayado badan oo dalka laga dhigay sida Hablayahow hadmaad guursan iyo kuwa kale.

Waxa ay ka mid ahayd kooxdii xoogga dalka.

Marxuumada ayaa markii dagaallada sokeeye dalka ay ka dhaceyn, waxa ay u carartay waddamada qurbaha, iyadoo dalka ay ku soo laabatay 2018-kii.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category