Faah-faahin: Diyaarad gaar sida oo ku burburtay Soomaaliya

Beledweyne (RH)-Magaalada Beledweyne ee xarrunta gobalka Hiiraan, waxaa maanta duhurkii ku burburtay diyaarad siday gargaar ka yimid waddanka Jabuuti.

Diyaaradda ayaa la sheega in ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne ee la yiraahdo Ugaas Khaliif.

Sawirro laga soo qaaday diyaaradda burburtay, ayaa waxaa lagu arkayay dab qabsaday diyaaradda markii ay burburtay, waxaana agagaarkeeda joogay askar iyo dadweyne biyo ku daminaya dabka ka kacay diyaaradda mana jirin gaadidka dabdamiska ah.

Diyaaradda ayaa burburtay wax yer uun inta aysan caga dhigan garoonka, waxaana durba ka kacay dab xooggan.

Masuuliyiinta magaalada Beledweyne iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in diyaaradda ay la socdeen saddex qof oo shaqaale kuwaasoo markii dambe la soo badbaadiyay.

Diyaaradda ayaa markii horre ka tegtay magaalada Muqdisho, waxaana ay gargaar ka soo qaaday dalka Jabuuti, gargaarka ayaa loogu talagalay dadkii ay saameeyeen fatahaadihii ka dhacay magaalada Beledweyne.

Wixii warar ah halkan ka soco inshaa Allah.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category