Faah-faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Ex-control Afgooye

Muqdisho (RH)-Waxaa kordhay tirada dadkii ku dhintay qarax saaka aroortii ka dhacay isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay in ay kor u dhaafayaan illaa 80 qof, tiro intaa ka badana waa ay dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa dhacay xilli mashquul badan oo dadku u degdagayeen shaqooyinkooda iyo goobaha waxbarashada.

Duq Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo isaga iyo taliyaha booliska ay tageen goobta ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen tobaneeyo una badnaa arday saarnaa bas goobta marayay iyo dhaawac dad badan.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyada qaraxii maanta, balse madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraaajo ayaa ku eedeeyay qaraxa in ay fuliyeen Al-Shabaab.

Illaa hadda tiro rasmi ah lama hayo dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay qarixii ka dhacay isgoyska Ex-control Afgooye.

Muqdisho waxa ay maanta u ahayd maalin kale oo murugo ah, maadama qaraxweyn uu ka dhacay caasimadda.

Qaraxan waxa uu ahaa kii ugu xooggaanaa ee ka dhacay Muqdisho, taarikhda inta la ogyahay qaraxyadii ka dhacay caasimadda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category