Fariin uu Facebook ku qoray nin jooga baadiyaha Kenya oo dood kulul ka dhalisay Maraykanka

Fariin uu barta Facebook ku qoray Alex Ndiritu, oo ka soo jeeda magaalada Nyeri ee dalka Kenya ayaa dood kulul dhalisay Maraykanka.

Alex ayaa muuqaal si toos ah looga baahinayay barta Facebook ku reebay fariin ah in dibaxayaasha ku sugan Maraykanka ay “gubaan aqalka cad ee Maraykanka”.

Fariintan ayaa hadal hayn ka bilawday baraha bulshada iyada oo muwaadiniinta Maraykanka ay la wadaagayeen FBI-da iyo CIA.

Booliiska iyo dibadbaxayaasha ayaa isku dhacay magaalooyiin ku yaalla dalka Mareykanka, xilli ay sii xoogaysanayan dibadbaxyada caradii ka dhalatay dilkii ninkii madowga ahaa, George Floyd.

Waxaa foodda is daray dibadbaxayaasha iyo booliiska magaalooyiinka, New York, Chicago, Atlanta, Philadelphia iyo Los Angeles.

Booliiska ku sugan goobaha ka xeeran aqalka cad ee ku yaalla magaalada Washington ayaa suntan dadka ka ilmaysiisa ku riday dibadbaxayaal tuurayay dhagxaan.

Ku dhawaad 40 magaalo ayaa Bandow lagu soo rogay, balse dibadbaxayaal badan ayaa bandowga iska indha-tiray taasi oo keentay in booliiska ay isku dhacaan.

 

isha warkan. BBC

Category