Farmaajo iyo Geelle oo ku kulmay Jabuuti

Djibouti (RH)-Sida ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaca ah magaalada Jabuuti waxa uu kula kulmay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah.

Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).

Xiriirka labadda waddan ayaa waayahan si uu go'anaa kaddib markii dowladda federaalka ee Muqdisho fadhida taageertay go'aankii cunaqabateenta hubka looga qaaday dalka Eriteriya oo ay muran dhinaca dhulka uu kala dhexeeyo Jabuuti.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category