Farmaajo oo ku baaqay in la dardargaliyo wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in dib loo billaabo wadahadalladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya.

Baaqa madaxweynaha ayaa ku soo aadaya iyadoo xubno ka socday dowladda federaalka ay shaley ka baaqdeen dood gogol xaar u ahayd kulan magaalada Nairobi ay ku yeelana lahaayeen xubno kala matalaya Somaliland iyo Soomaaliya.

"Waxaa ku baaqayaa in wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland aan dardargalinno, waxaa ku soconaa muddo 30 sanno oo ummadda Soomaaliyeed uu waqti badan ka lumay, gaar ahaan dhallinyarada waxaa loo baahan yahay in wadahadalladii labada dhinac si walaaltinimo ah loo sii wado, la is xogwareysto, la daaweeyo nabaradii soo kala gaaray"

Wadahallada labada dhinac ayaa in ka badana labo sanno hakad ku jiray.

Madaxweynaha ayaa sheegay kala qeybsanaanta Soomaalida dhexdhexaada ay ka faa'ideesanayaan dadyow kale waxaana shacabka Somaliland oo hormuud ka ahaa halgankii gobannimada ay haddana hormuud ka noqdaan halka midnimada.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad xaley lagu qabtay aqalka dowladda hoose ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka socotay munaasabad loogu dabbaal dagayay 59 sanano guuradii ka soo wareegtay markii goballada waqooyi ee hadda loo yaqaanno Somaliland xornimada ka heleen gumeystayaashii Ingiriiska 1960-kii.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category