Fashil markale ku yimid shirkii uu iclaamiyey M/W Farmaajo

Waxaa markii saddexaad uu fashil ku yimid shirkii wada-tashiga ee uu dhowaan iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaaho oo Muqdisho ka casuumay madax goboleedyada.

Shirkan oo lagu waday inuu furmo maanta oo Khamiis ah, kuna beegan afarta bisha March ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland ay dalbadeen in waqti la siiyo shirka ra’iisul wasaaraha iyo musharaxiinta.

Sidoo kale waxaa dalka ka maqan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo haatan safar ku jooga gudaha wadanka Turkiga.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan fashilka ku yimid shirka golaha wada-tashiga qaranka oo qurshuhu ahaa in looga hadlo doorashada.

Arrintan ayaa sii xoojineysa is jiid-jiidka weli ka jira doorashooyinka dalka ee 2021-ka ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, siiba Jubbaland & Puntland.

Si kastaba waa markii saddexaad ee uu baaqanayo shirkan, kadib wixii ka dambeeyey 8 February, oo ay dhamaatay mudo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

 

isha warkan . Caasimada.com

Category