Fursadaha Maalgashi ee ay Wadaagi Karaan Somaliland Iyo Kenya

Nairobi(RH)Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dedaal ugu jirta inay iskaashi ganacsi iyo maalgashi la yeelato dalka Kenya, maadaama oo ay labada dal ka wada shaqeeyaan dhinaca ammaanka mandaqada Geeska Afrika.

“Fursado maalgasho ayaa la filayaa ka soo baxdo cilaaqaadka siyaasadda dibadda ee Somaliland iyo Kenya. Danjiraha Somaliland  ee Kenya, Baashe Cawil Cumar, Oo U Waramay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in dalkiisu uu raadinayo inuu iskaashi  toos ah la yeesho Kenya.

“Iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Kenya wuxuu noqon doonaa mid ku wajahan ganacsiga labada dal oo soo koraya. Waxa kaloo aanu ka wada shaqeyn doonaa ammaanka gobolka,”ayuu yidhi Wakiilka Somaliland ee Kenya. Waxa kaloo uu tilmaamay inuu la kulmi doono masuuliyiinta dowladda Kenya,  si ay uga wada hadlaan iskaashiga labada dhinac.

Safiir Baashe Cawil waxa uu sheegay in Somaliland iyo Kenya ay ka wada shaqeyn jireen dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha xagjirka ah, waxaanu ku dooday in loo baahan yahay in  cilaaqaad ballaadhan labada waddan yeeshaan, gaar ahaan  Ganacsiga Beeraha, Waxbarashada iyo Caafimaadka

Safiirka  Somaliland  ee Kenya wuxuu  iftiimiyey  in qodobbada ay iska kaashanayaan labada dal ay ka mid noqon doonto sidii loo fududayn lahaa  muwaadiniinta labada waddan  si sahlan ugu socdaali karaan Somaliland iyo Kenyaba.

Waxaa Xusid Mudan in Safiir Baashe uu hore u ahaa Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta isla markaasna uu kaalin ku lahaa heshiiskii maalgashi ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo shirkadda DP World ee la xidhiidhay casriyeynta marsadda Berbera.”

 

Category