Galmudug: Maxaa looga hadlayaa shirka Dhuusamareeb ee maamul goboleedyada?

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeba ka furmaya shir ay isugu imanayaan maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo maalma kahor ku wada hadlay taleefonka, kuna ballamay inay ku shiraan Galmudug.

Shirkan oo uu martigelinayo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay maalma kahor waxaa lagu sheegay in uu yahay shir degdeg ah oo looga arrinsanayo doorashooyinka, maadaama Soomaaliya ay haatan ku jirta xaalad siyaasadeed, guddiga doorashooyinkana ay baarlamaanka kahor sheegeen in aysan xilligan qaban karin doorasho qof iyo cod ah, ayna u baahan yihiin wakhti dheeraad ah si ay u qabtaan hawsha dhiman.

Maamul goboleedyada ayaa la aaminsan yahay inay doonayaan in laga tal-geliyo arrimaha doorashooyinka soo socda.

Qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaa horay u sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabkii loo maray kuraastii aqalka sare ee loo qoondeeyay matelaadda gobolka Banaadir.

Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo la filayo inay ka qeybgalaan shirka ayuusan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin dowladda federaalka, waxaana la saadaalinayaa in shirkan looga hadli doonaa sidii loo dhameyn lahaa khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka, maadaama inta badan waxyaabaha y isku hayaanay yihiin arrimo siyaasadeed.

Shirka oo aysan ka qeybgaleynin dowladda federaalka, wax lug ahna aysan ku lahayn abaabulkiisa ayaa waxaa ka horeeyay mid kale oo ay iyadu fidisay, kaas oo aanan qabsoomin, qorshuhuna ahaa in uu ka dhaco magaalada Muqdisho, waxaase la filayaa in shirkan uu horseedo kulamo ay yeeshaan madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Dadka darsa arrimaha siyaasadda waxay aaminsan yihiin in xal walba oo laga gaaro murranka siyaasadeed ee ka taagan dalka ay ku xirnaan doonta haddba wax kasoo baxa shirka Dhuusamareeb.

"Walow hadda ay xukuumadda ka gaabsatay haddana waxwalba waxay ku xirnaan doontaa waxa ka soo baxa kullanka, waana shir maamul goboleedyada ay rabaan inay isla fiiriyaan waxa ka guuxaya", ayuu yiri Dr Ibraahim Faarax Bursaliid.

Wuxuu kale oo uu sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadli doonaa ay yihiin amniga, doorashooyinka iyo in la iska wareysto sidii looga bixi lahaa xilliga kala guurka, wuxuuna intaa raaciyay in shirka uu hadda yahay caafimaad, balse haddii aanay waxba kasoo bixin uu noqon doonaa xanuun horleh.

Waxaa kale oo aan la ogeyn sida dhinacyada shirka ka qeybgalaya ay isu waafajin karaan danaha laga yaabo in ay isdiidan yihiin,maadaama qaar kamid ah maamuul goboleedyo ay u janjeeraan dhanka dowladda federaalka halka kuwa kalena uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo.

 

isha warkan.BBC

Category